Hargeysa(ANN)Allah ha u naxariistee  Agaasimihii Guud  Ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Marxuum C/llaahi Cabdi Axmed (C/llaahi Kubado) oo ahaa rukumada  iyo tiirarka Waasaradda Maaliyadda Somaliland mudo dheer, isla markaana khabiir ku ahaa maamulka , ayaa xalay ku geeriyooday

gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa. Waxaana marxuumkaa oo si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga magaalada Hargsya.
Boqolaal qof oo ka mid ah shacbiga magaalada hargeysa  iyo masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ayaa ka qaybgalay aaska Marxuumkaa oo ahaa Oday caan ka ahaa magaalada hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, isla markaana ka mid ahaa dadka farakutiska ah ee xushmada iyo qadarinta ku leh bulshada dhexdeeda.
Marxuumka  ayaa ka mid ahaa khuburadii  dhidibada u taagay nidaamka xisaabaadka  iyo maamulka wasaaradda Maaliyada oo uu mudo dheer xilal kala duwan kasoo qabtay, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaa u magcaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, isagoo marxuumku ku jiray gudi uu madaxweyne Siilaanyo u magcaabay badhtamihii sanadkii hore 2011, maamulka Haamaha  shidaalka Berbera. kadib markii dalka laga eryay ee la baabiiyay heshiiskii ay shirkadda TOTAL ee maamuli jiratay Haamaha Shidaalka Berbera kula jirtay Somliland.
Dhinaca kale  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo Ummadda reer Somaliland oo ay ka Geeriyoodeen laba Marxuum oo kala ahaa Marxuum-Maxamed Xuseen Caabi oo ahaa Guddoomiyihii Gudida Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ku geeriyooday Magaalada London ee cariga Ingiriiska iyo Marxuum- Cabdilaahi Cabdi Axmed (Kubaddo) oo ahaa Agaasimihii guud ee wasaaradda Ganacsiga oo isagana maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa oo uu habbeenkii Xalay ku geeriyooday.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu labadaasi marxuum ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskii ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo, waxaana dhambaalkaas tacsida ahi u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u Dirayaa Wasiirka Wax-barashada Tacliinta Sare Marwo, Samsam Cabdi Aadan waxaanu ka tacsiyadaynayaa Geerida ku timid Sayigeedii MARXUUM MAXAMED HUSEEN CAABI, oo ku geeriyooday Wadanka Ingiriiska, waxa kale oo uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL. MARXUUM CABDILAAHI CABDI AXMED (KUBADO), oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 04/01/2012.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumiintaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.”
Dhinaca kale Maamulka, Hawlwadeenada  iyo  shaqaalaha shebekadda Araweelonews, waxay iyagoo ka tiiraanyaysan tacsi taas la mid ah u dirayaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland, iyagoo  ka tacsiyadaynaya  geerida ku timid Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL. MARXUUM CABDILAAHI CABDI AXMED (KUBADO), oo oo maanta  04/01/2012.Magaalada Hargeysa
Waxayna  ILLAAHAY uga baryayaan  Marxuumkaa  inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.

Sidoo kale Maamulka, Hawlwadeenada  iyo  shaqaalaha shebekadda Araweelonews, waxay iyagoo ka tiiraanyaysan tacsi taas la mid ah u dirayaan Wasiirka Wax-barashada Tacliinta Sare Marwo, Samsam Cabdi Aadan iyagoo  ka tacsiyadaynaya  Geerida ku timi  Sayigeedii MARXUUM MAXAMED HUSEEN CAABI, oo ku geeriyooday Wadanka Ingiriiska,. Sidoo kalena waxay  tacsi u dirayaan  Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku. Waxayna Illaahay uga baryayaan inuu janadii ka waraabiyo iyagana samir iyo Iimaan ka siiyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *