Anigu waxaan ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidankii cirka Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, isla markaana   si buuxdana ugu ahaa xog ogaal maamulka ciidanka cirka waayo waxaan muddo dheer madax ka ahaa xafiiska ciidanka iyo maamulka ee cirka. Waxaan kusoo

bartay maamulka iyo dagaal gelinta ciidamada cirka Jaamacadda ciidamada cirka ee Maraykanka ee ku taal Alabama magaalada Montogomary. Ciidanka cirka waxaa taliye ka noqon kara ruux kasta oo soo barta dagaal gelinta ciidanka, xilkiisuna waa in uu saraakiisha iyo ciidankaba siiyo taba barro ku saabsan habka ay dalka u daafici lahaayeen ee ma aha in uu dhismayaasha dayac tiro. 

Waxay Soomaalidu tidhaahdaa quraan alifka ka qalloocday Al-Baqra kama tooso. Waxaan uga jeedaa haddii uu maamul ka qaldamay bilawga fashil ayuu ku dhammaadaa.

Markii uu ciidanku yeeshay dayuurado fara badan oo isugu jira kuwo dagaal iyo kuwo gaadiid ah ayaa loo baahday in la qoro xeerkii lagu maamuli lahaa ciidanka cirka Soomaaliyeed. Markaa ayaa la magacaabay guddi duuliyeyaal ah oo soo diyaariya xeerkii ciidanka cirka lagu maamuli lahaa.

Gudidaa ayaa soo  qaatay buug ah xeerka ciidamada cirka ee Midawgii Sofiyeti oo ku dhigan afka ruushka. Saraakiishii waxay ku tashadeen in ay buuggaas ku beddelaan afka Soomaaliga.

Qodob ka mid ah ayaa wuxuu lee yahay taliyaha  ama urur ama guuto ciidan cir ah waa in uu ahaado duuliye. Arrinkaasi waa sax hase yeeshee macnaha qodobku sidaas ma aha hase yeeshee waxay qoreen taliyaha saldhigga iyo taliyaha ciidanka waa in uu ahaado duuliye.

Qodobkaas sida qaladka ah loo qoray iyo qodobka kale oo aynu ka hadli doonno ayaa sabab u noqday in dagaalkii 77 ciidanka cirku ku guul darraysto.

Askariga waxaa loo qoray in uu dalka ka daafaco cadawga shisheeyaha ah ee ku soo duula, sidaas darteed ama waa in uu ku jiraa taba bar markii ay tahay nabadda ama waa in uu ku jiraa dagaal markii ay jirto colaadi. Marnaba kuma jirto cilmiga militariga in shaqo uu qaban karo nin rayid ah loo diro sarkaal ama askari ciidan ka tirsan.

Hawlaha dhismaha iyo dayac tirka saldhigga waxaa iska leh oo ay tahay in ay qabtaan hay’ado rayid ah oo ganacsada. Maamulka lacagta waxay tahay in ay qabtaan dad ka socda wasaaradda maaliyadda ama dad rayid ah oo lagu qaatay aqoonta maamulka lacagta. Dayac tirka garoonka dayuuradaha waa in ay fuliyaan ganacsato. Soomaaliya waxaas oo dhan ciidamada ayaa qaban jiray, haddii ciidamada loo diro in ay beero falaan waxay berri gebayaan in ay dalka cadawga ka daafacaan.

Haddii aan soo ururiyo qof waliba waa in aan loo idman wax aanu shaqo ku lahayn.

Iyada oo ay saldhigyadii ay joogaan Injneerro kala duwan oo dayuuradaha dayac tirkooda kala duwan ka kala ah madax oo wada G/le Sare ah ayaa saldhigga lagu soo magacaabayaa dhamme ama gaashaanle ka noqda taliye. Markaa ayay G/le sareyaashii oo dhammi ka soo insixaabeen saldhigyadii iyo hawlihii muhimka ahaa ee ay ummadda u hayeen. Si loo dhaho sarkaal kaa derejo hooseeya ka amar qaadana ma jirto oo kama mid aha xeerka ciidamada. Waxaa saldhigyadii ku hadhay saraakiil aad khibrad badan iyo aqoon sare toona u lahayn dayac tirka dayuuradaha. Markaas ayaa ciidankii wuxuu gaadhay in dayuuraddii kacda ilaa ay si nabad ah ku soo degto laga cabsi qabay in aanay soo noqonayn. Taasi waxay keentay in ay duuliyeyaashii nacaan in ay duulaan. Markii duuliyeyaashii waayo aragga ahaa ay duulimaadkii iyaga oo ka cabsanaya in ay la dhacdo.

Dagaalkii 77 waxaa galay duuliyeyaal dagaalka oo socda ka soo laabtay Raashiya oo aan khibrad badan lahayn iyo in yar oo ka mid ah odayaashii hore oo markaas ku dagaal gelayey dayuuradda Mi-17. Khibrad la’aanta dhallin yarada cusub haddii aan wax idiinka sheego. G/le Sare Nuur Cilmi Caddaawe oo saraakiishii ciidanka cirka ugu horreeyey oo ku soo duulay Mig-15, Mig-17 iyo Mig-21 oo raxantiisii hoggaansanaya ayaa xidigle arkay dayuuraddii taliyaha markaas ayuu raadiyaha ka sheegay in uu u jeedo dayuurad cadaw toogo ayaa lagu dhahay markaas ayuu taliyihiisii sidaas ku toogtay. Nuur Cilmi ciidamadii cadawga ayaa isku dayey in ay markii uu ka booday dayuuraddii ay dafaan hase yeeshee nasiib kuwii Soomaalida ayaa uga hor maray oo soo badbaadiyey.

Midda kale taliyaha saldhigga wuxuu aad ugu mashquulay in uu saldhigga ka sameeyo dhaqaale dheeri ah isaga oo habeen iyo maalin wada dayac tirka dhismayaasha kala duwan ee saldhigga. Taas oo carqalad ku noqotay in uu ku masquulo tabab baridda saraakiishiisa. Midda kale dawladda Ruushka oo dhistay ciidamada qalabka sida ma siin jirin duuliyeyaasha xeesha dagaalka. Sidaas darteed duuliyuhu ama ha ahaado mid muddo dheer duuliye ahaa ama ha cusboonaado xagga dagaal gelinta way ka wada liiteen oo lama soo barin.

Dhibaatadaasi ka dhalatay qaladka laga fahmay xeerka maamulka ciiadanka cirku ayaa dhalisay in ugu yaraan toba dayuuradood iyo duuliyeyaashoodii nooga baxaan dagaalkii 77kii.

Dhibaatadan maamuleed waxaa ka sii daran midda labaad oo ah in iyadana qalad laga fahmay qodob ka mid ah xeerka ciidamada qalabka sida. Kaas oo dhahaya ciidanka cirka iyo ciidanka badduu waxay taakuleeyaan ciidanka dhulka waa sax laakiin macnaha ayaa la qalday.

Dhibaatada ka dhalatay qodobkan dambena waxaan uga hadli doonaa maqaalkayga kan ku xiga.
G/le Sare Omer Suleiman Ali Shalaqo.    

Ciddii doonaysa in ay ciidanka cirka iyo 77kii wax ka ogaato ha igala soo xidhiidho 
Omer.shalaqo@gmail.com.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *