Fallo By, khalid Xabsi
images/stories/khaalid xabsi.bmp Toddobaadkii hore ayey ahayd markii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo uu Magacaabay Badhasaabada Gobalada Saxil,Sool ,Maroodi jeex , Togdheer ,Gabiley ,Hawd, Sallel, Sanaag, iyo Saraar.Iyadoo gobalka Saaxilna loo magacaabay Maxamuud Cali Hayste oo ku magac dheer (Ramaax), kaas
oo ah shaqsi deegaan ahaan ka soo jeeda Degmada Sheekh oo hoos timaada Gobalka Saaxil. Badhasaabka cusub ee loo magacaabay Gobalka Saaxil ayaa wakhtiyadii u danbeeyay ku maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan cariga maraykanka, laakiin taa macneheedu maaha in aanu aqoon u lahayn bulshada iyo deegaanka loo magcaabay, balse waxay dadka aqoonta u lihi tilmaameen inuu yahay Nin bulshada ku dhaqan magaalada Berbera aad u kala yaqaana oo wakhtiyo kala duwan ka soo shaqeeyay ganacsiga gaar ahaan Baayacmushtariga xoolaha oo uu ka dhoofin jiray marsada BerBera xiliyo hore.
Hase yeeshee magaalada Berbera oo ah isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Somaliland ayaa ka aradan dhinacayo badan oo ay ugu weyn yihiin baahiyaha aasaasiga ah, sida Waxbarshda iyo Caafimadka oo ah shayga kaliya ee gobal ku horumaro. Xaga nabadgalyda waxa uu gobalka Saaxil ku jiraa gobolada ugu amniga badan Somaliland .Guddoomiyhii hore ee Berbera, Maxamed C/laahi oo waqti badan ahaa Guddomiyha Gobalka Saaxil ayaa intii u ku fadhiyay kursiga looga arrimiyo Gobalka shacabka reer Berbera ku dhaliili jireen wax qabad laan Dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihin horumarkii iyo waxbadkii gobalka oo u gabay ,awoodii maamul oo gacanta uu u galiyay masuuliyin kale,waxaana ay shacabka reer Saaxil ay aad u soo dhaweeyen isbadalka ka dhacay maagaalo xeebeeda Berbera oo ay daashadeen dhibaatoyin badan oo aafeeyay dad badan oo dan yar ah oo ku nool Berbera iyo guud ahaanba gobolka.
Sidaa awgeed waxa loo bahan yahay Guddoomiyha cusub ee xiligan inuu ahmiyda saaro wax qabad la taaban karo , marar badana waxa ka dhacay Gobalka Saaxil mudaharaadyo dhawr ah oo soo noqnoday, kuwaas oo salka ku hayay arrimo la xidhidha Xaga arrimaha bulshada sida Wershedii Sibidhka oo ay xukuumadii Rayaale doonaysay inay iskaraab ahaan uga dhoofiso dalka, taasoo dadka reer BerBera ay ka war heleen waxaanay kaga hor tageen banaanbaxyo ay ka sameeyeen wadooyinka kaas oo socday saacado dhawr ah aakhrkiina loo guntaday sidii loo damin lahaa xiisadaas iyo mid lagaga cabanayay xaga qiimha doolarka.
Haddaba Guddoomiyha Cusub ee Gobalka Saaxil waxa u yaala hawlo badan oo ay mid mid yihiin 1-horumarka Gobalka oo u wax badan ka qabto 2- nabadgalyda oo u adkeeyo 3-in uu wax weyn ka qabto wadooyinka burbursan ee dhexmara magaalda 4-in uu degaamada hoos yimaada Gobalka ka sheeqeyo isku xidhkooda 5- nadaafada Gobalka oo liidata wax weyn ka qabto 6- shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada ku nool gobolka Saaxil iyo arrimo kale oo badan. Si kastaba ha ahaatee waxa la eegi doonaa sida uu arrimahaa iyo kuwo kale oo ka jira deegaanka uu wax uga qabto Badhasaabka cusub, iyadoo xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee magcawday xiligii Ololaha doorashada balan qaaday inay dhibaatooyinkaa adeegyada Bulshada wax ka qabanay.