Washinton(ANN)Ciidanka nabadgelyadda ayaa sheegay in xabad lagu ridey oo ay ka dhex baxday Xafiiska Ololaha madaxweyne Obama ee Denver. Ciidanka nabadgelyadda afhayeen u hadlay oo loogu magacaabo Ragues Lopez ayaa sheegtay in dadku xafiiska gudahiisa ku sugnaayeen, markii

 

toogashaddu dhacday galabnimaddii jimcaha, laakiin cid meeshaasi ku dhaawacantay ma jirto haba yaraatee.

Muraayad balaadhan oo kuwa daaqadaha lagu sameeyo ah ayaa daadatay xafiis ku yaal West Ninth Aevenue oo u dhow Acoma Street. Ms Lopez ayaa tiri baadhayaashii ayaa ku hawlan qalabka wax duuba ee dhinaca nabadgaleyadda loo adeegsado oo ay ka mid yahiin fiidowyo iyo CCTV kamaraddo, laakiin weli maanu cadayn sifaha gaadhigga laga yaabo in uu ku lug lahaa toogashadaasi.

Hadaba ciidanka nabadgelyadda ayaan si deg degga u soo saarin weli macluumaad dheeraadda, iyadoo weli ciidanka nabadgelyaddu ay raadka arintaasi ku taaganyahiin iyo halka ay ku aroorto. Ms Lopez ayaa sheegtay in aanay ka war qabin ama waxay kala socotaa jirin hanjebaaddo hore oo lagaga soo horjeeddo Ololaha xafiiskan madaxweyne Obama, ciidamadda Sirdoonka iyo dharcadda ayaa ciidanka nabadgelyadda ay iska weydiinayaan su,aalo la xidhiidha dhacdadan xafiiska ciidanka nabadgelyadda ee Denver, waaney diidey in afhayeenka Obama ee ololahani faallo dheeraadda ka bixiso arintan.

Waxaa diyaariyey Cabdilahi John

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *