Waxa magaalada Hargeysa guddiga golaha deegaanku ay ka bilaabeen olole ballaadhan oo ay ku qaadeen goobo kala duwan oo ay u arkayeen inay dhaawacayaan bilicda magaalada.


Waa arrin aad u wanaagsan oo aad loogu baahanyahay, in aad loo dhowro bilicda magaalada. Sidoo kale waxa dhinaca dadweynaha looga baahan yahay inay arrintaasi soo dhaweeyeen gacana ku siiyaan ciddii loo xilsaaray.
Dhinaca kale waxa iyana looga baahan yahay guddiga golaha deegaanka, inay ka fekeraan hooyooyinka  shaaha ku biiliya ubadkooda. Runtii maaha kuwo yar oo haddii iyaga iyo kuwo kale oo meheredo haysta laga dumiyo keliya oo aan meel kale loo raadin ay ku bedelaan, haddi kale arrimahoodu waxay noqon doonaan kuwo murug badan.
Runtii waa wax aad u wanaagsan quruxda iyo bilicda, laakiin waxa ka sii fiican in marka shaqo dadka loo abuuro,  ama loo heli karo meel ku munaasib ah oo la dejiyo. Qofk ayaa wax kasta ka mihiimsan oo meel qofku ku gaajoodo qurux agagaarkiisa  laga dhaliyo wax qiimo ah oo ay yeelanaysaa ma jirto. Sidoo kale waxa uu  qofku u arkayaa mid cadow u ah oo isaga loogu danaynin. Siddeedaba Caalamka wax kasta waxa laga hormariyaa qofka iyo sidii looga baahi tiri lahaa duruufihiisa, wax kastaana siday u kala horeeyaan ayaa loo kala xaliyaa.
Bilicda magaaladu waxa wanaagsan sida ay u kala mihiimsanyihiin in loogu hawl galo iyo in la joogteeyo xashiish gurida.
Arrin kasta oo aan caqli iyo daraasaadi la socon, waxay dhalisaa, ama ku dhammaataa jaha wareer. Siddeedaba arrimaha caadifadaysani,  ama caadifad lagu hawlgeliyo waxay dhalliyaan dhibaatooyin aan laga fekerin.
Afrika shakhsi ciidanka ka tirsanaa ayaa xil loo dhibaa oo aan aqoon u lahayn waxa uu maamulayo. Halkii uu ka samaysan lahaa la taliye kala taliya takhsuskiisa isaga ayaa isku qaada wax kasta waxaanu ku tallaabsadaa wixii keligii maskaxdiisa kusoo dhaca.
Aqoon darada iyo daraasaad la’aantu waxay ku dhaxalsiisaa inaad ku tuhuntid kuna adkaysatid meelo arrimo aad ku sheegtid oo aan ka jirin iyo meelo kale  oo waxa ka jira aad garan weydo. Sharci kasta ama go’aan kasta oo la soo rogo, waxa muhiim ah inuu ka horeeyo ama la socdo waxyaabo qanciya ama kaalsooni ku beera kuwa uu khuseeyo. Haddaadse dusha kaga keentid ama aad ku soo dalacdid wax shaki abuuri kara waxay horseedaan waxyaabo aan taariikhda hore u soo marin oo aan la arag.
MM Kastan   
E-mail: wehelkaaga@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *