Jamaal Cali Xuseen waa Aqoonayahan dhalinayaro ah oo mudo dheer ku shaqaynayay aqoontiisa, isagoo maamulayay Baanan Caalami ah, wuxuuna hawlkarnimadiisa iyo dedaalkiisa ku ku mutaystay abaalmarino.  Dr. Jamaal waa qoraaa iyo hal abuur farshaxan ah oo curiyay laba Buug, balse

 

waxay dad baddan oo bulshada ka mid ahi magaciisa maqleen sanadii u danbeeyay. kadib markii uu soo saaray  Buugiisa “Diiwaanka Qosolka”, ee uu daabacay 2009.
Jamaal  wixii mudadaa ka danbeeyay wuxuu u muuqday nin xiisaynaya inuu soo galo masraxa siyaasada Somaliland, isagoo warbaahinta  oo uu kusoo noqnoqonayay magaciisu  laga dhex arkayay, isagoo damaciisa siyaasadeed iyo hankiisu si talaabo talaabo ah isu soo tarayay, balse wuxuu si badheedh ah  u shaaciyay dhowaan markii uu dalka kusoo laabtay inuu yahay Musharax  xisbiga UDUB oo ahaa xisbigii ay hogaaminayeen Madaxweynihii  hore iyo ku xigeenkiisii  doorashadii madaxtooyada Somaliland  ee kal hore 2010 lagaga adkaaday. Kadib markii ay sideed sanadood oo ay dalka maamulayeen ku fashilmeen, isla markaana wax horumar ah samayn waayeen, iyagoo taa bedelkeedana abuuray mujtamac faasid ah oo laaluush iyo danaysi ah, iyagoo kooxdaa UDUB  oo ku mamay hantida ummada  fawdo iyo qas marar baddan ka abuuri gaadheen dalka. kadib markii ay  muda dhaafeen marar baddan doorashooyinkii la rabay inay dalka ka qabsoomaan ee ay diideen inay wax doorashooyin ah dalka ka qabtaan, isla markaana isku deyay marar baddan inay Somaliland ka leexiyaan nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah ee ay dunida kaga kasbatay  sumcada iyo ixtiraamka.
Xisbiga UDUB oo magac ahaan oo keliya u jiray oo aan xisbi ahaan u dhisnayn ayaa buuxin waayay kaalintii iyo doorkii mucaaradnimo markii laga guulaystay doorashadii, taas oo loo nisbeeyo inay kooxdii xisbigaa sheegan jirtay  ahaayeen oo keliya  kuwii xilalka hayay xiligii xukuumaddii Daahir rayaale  ee  uu xisbul xaakimka ahaa, waxayna dad badani u arkayeen inaanu mar kale kusoo laaban doonin xisbigaasi ama ay adagtahay inuu saaxada kusoo laabto, sababo baddan awgood.
Markii Madaxweyne Siilaanyo dib u furay tartanka Ururada siyaasada oo ka mid ahayd balanqadyadii xiligii ololaha uu balanqaaday waxay qaar baddan oo ka mid ahaa kooxdii Xisbiga UDUB oo weliba kuwii xilalka ka hayn jiray waqtigii xukuumaddii rayaale ku dhawaaqeen Ururo cusub, iyagoo u rakaya, ama isku qancinaya inaanu mar danbe saaxada kusoo laabanayn xisbigoodi UDUB.
Hase yeeshee dhawaaqa Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonyahan  damaciisu tusay ayaa damcay inuu salaanka siyaasada kasoo fuulo  isagoo sita magacii xisbigaa UDUB, kaas kooxdii isugu hadhay  kooxo usii kala qaybsameen. Jamaal oo aan wax baddan kala socon siyaasada Somaliland iyo fikirka mentaalatiga yaala, waxa uu kasoo baxay jaamacada caanka ah ee Harvard  University,  Jaamacadaa oo ay ka baxeen, ama wax kusoo barteen hogaamiyayaal caan ah. Sida madaxweynaha maraykanka ee hada Obama iyo rag kale oo noqday hogaamiyayaal caan ah. Saaxiibada Jamaal  ayaa  sida la rumaysanyahay  markii ay dhinaca siyaasada kusoo riixayeen, waxay  u tuseen  inuu Obama oo ay Jaamacad ka wada baxeen ay meelo baddan iska metalaan. Sidaa awgeed uu si fudud siyaasada ugu guulaysan karo, maadaama uu haysto dhaqaalle baddan, isla markaana doonayo inuu horumar dhinaca dhaqaallaha ah ka sameeyo dalka Somaliland.
Marka la eego Jamaal aqoontiisa iyo hankiisa siyaaseed waa mid haboon in lays garab taago, isla markaana lagu dhiirigeliyo, balse waxay dad baddani is weydiiyeen sababta  iyo waxyaabaha ku khasbay aqoonayahankaa inuu salaanka siyaasada kasoo qabsado meel kala daadsan iyo xisbi aan sumcad ku lahayn bulshada oo koox yari isku haysato, iyadoo maanta dalka laga sameeyay Ururo cusub  oo  u tartamaya inay noqdaan  xisbiyo qaran, isla markaana ay adagtahay inay xisbiyadii hore saaxada siyaasada kusoo laabtaan marka la gaadho natiijada tartankaa.
Jamaal Cali Xuseen oo mudooyinkii u danbeeyay ku jiray kaanbayn  adag iyo loolan sidii uu kooxahaa oo u baddan NSS-tii uga dhex qaadan lahaa hogaaminta musharxnimada xisbiga UDUB  oo aan la ogayn mustaqbalkiisa iyo inuu saxaada kusoo noqonayo, wuxuu  ku faanay  inuu kharashaad baddan iyo lacag u hurayo xisbigaa, balse shuruuda keliya ee uu ku xidhay tahay in isaga loo ogolaado musharaxa doorashada soo socota 2015, balse kooxaha UDUB ayaa ku kala qaybsamay arrintaa,  kuwaas oo maalmihii u danbeeyay  khilaafkoodu cirka isku shareeyay, iydoo qayb ka mid ah gudida fulinta oo uu hogaaminayo ku simaha Gudoomoyaha Axmed Yuusuf  Yaasiin kulan  3 Jan 2012, ay ku yeesheen magaalada hargeysa ku sheegeen inay ku ansixiyeen Musharaxa Jamaal Cali Xuseen, balse garabka Cali warancade iyo kooxdiisa ayaa diiday arrintaa oo ay ku tilmaameen mid baalmarsan sharciga xisbiga.
Hase yeeshee dhawaaq kasoo baxay Gudoomiyhii xisbigaa Daahir Rayaale Kaahin oo dalka faransiiska ku nool hada ayaa dhinaciisa sheegay inaan musharxnimadaa waxba ka jirin ee dib loo dhigo, ilaa laga gudbo doorashada golayaasha deegaanka.
Dhawaaqa Daahir Rayaale  ayaa u muuqda mid iftiimiyay shirqool shaxaysnaa  oo maraka  horeba ay isku ogaayeen kooxda UDUB ee NSS-ta oo isu feeraarisay aqoonyahankaa aan waxbadan ka ogayn dhaqanka kooxdaa, kuwaas oo lacago baddan oo boqolaal kun oo dollar ah uu ku bixiyay mudadii uu hawshaa kaanbaynka ku jiray, iyadoo  ay jiraan tibaaxo  u dhow xaqiiqda  oo laga helay  la taliyayaashiisa  ay sheegayaan in lacag horumarin ah la siiyay Daahir Rayaale. Laakiin iyadoo Wasiirkii hore  Xoolaha xiligii cahdigii Rayaale Dr. idiris uu yahay dilaalka iyo la taliyaha ugu weyn ee afka uga geliyay Aqoonyahanka Jamaal Cali Xuseen kooxdaa NSS-ta ah ee tuurta ku sita magacii xisbiga UDUB, ay doonayaan  inay hada ku qanciyaan  in dib loo dhigo tartanka mushaxiinta  si meesha looga saaro khilaafka ay ku metelayeen masraxa ee ay gaadhsiiyeen inay xaafado u kala saftaan. Iyadoo ay layaab ku noqtay rayalcaamka bulshada inay  warbaahinta ka arkaan Aqoonayahan Jamaal Cali Xuseen oo soo nooleeyay, ama rajo geliyay Siciid Sulub iyo kuwa la mid ah oo tartan ku dhexmaro masraxa siyaasada. 
Si kastaba ha ahaatee Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonayahan saaxada siyaasada kusoo biiray, waxa muuqata inuu afka uga galay koox  sideed sanadood jaqaysay hantida ummada oo hada busaarad iyo darxumo la jiifay, balse dhaqdhaqaaq iyo dhuuni dhaqaaleba  uu ku soo kordhiyay, kuwaas  khiyaamooyinka  iyo qorshayaasha  ay wataan sababi karaan inay  ugu danbaynta  ficiladooda iyo khiyamadoodu  u horseedaan mooraal jab iyo inuu sawir khaldan ka qaato mujtamaca, maadaama ay durba muuqdaan astaamaha iyo ifafaalaha khiyaamooyinka kooxdaa sidata magaca UDUB, kuwaas oo aan wax rajo ah ka qabin inay mar kale saaxada siyaasada kusoo laabanayaan iyagoo sita magacii UDUB.
Gebagebadii Jamaal oo damaciisa siyaasadeed iyo hunguriigiisa  dad baddan oo dhalinayaro ahi soo dhoweeyeen, wuxuu u muuqdaa Aqoonyahan  Doortay Inuu Albaaab Khaldan Ka Fuulo  Salaanka Siyaasada, waxayna wadada uu hada marayaa calaamatu su’aal saaray mustaqbalkiisa siyaaseed.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *