Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta xilkii ka qaaday Agaasimihii Waaxda Farsamada ee Wasaaradaa Ibraahim Axmed Maxamed (Ibraahim Shiine) iyadoo aan la sababayn xilka qaadista masuulkaa.Wasiirku
waxa uu Agaasimaha cusub ee waaxda farsamada u magacaabay Axmed Saleebaan Maxamed, siday caawa faafisay Idaacad Radio Hargeysa, waxa lagu sheegay in tallaabadan Wasiirku uu qaaday si loo dardar geliyo wax loogu yeedhay shaqada waaxda farsamada oo ah ta ugu baaxada weyn wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta.
Wasiirku faah faahin kamuu bixin xil ka qaadista Ibraahim Axmed Maxamed, oo ah ka mid ah shaqaalaha khibradda leh ee wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta kana mid ahaa aasaaseyaashii iyo xubnihii ugu miisaanka weynaa suxufiyiintii ka hawl geli jiray Idaacadii madaxa banaanayd ee Radio Horyaa iyo idaacadii Radio halgan ee xiligii halganka SNM.
Wasiirku wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu ILAAHAY uga rajaynayo Agaasimaha cusub inuu u fududeeyo gudashada xilkiisa.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in xilka qaadistani ay ka dhalatay markii masuulkan iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafintu isku dhaceen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com