“Xaruta rajadeedu waa ay wanaagsan tahay mrka aynu xaqiiqad eegno ay maanta majirto wax hayad ah oo caawisaa waxaa maant caawiya ama halka ay wax ka heshaa waa dawlada oo qudha hay’addaha waanu la xidhiidhnay waana nu sugaynaa weli ” ayay tidhi Caasha oo u waramaysay Wargeyska Dawan.
“Waxaanan qabaa in intii aanu joognay ay tadawar badan samaysay walow aanay gaadhin halkii aanu doonaynay waxyaabo badan oo isbadalayna way jiraan, ayay tidhi,
Mar la weydiiyay inay jiraan ganacsato iyo cid kale oo wax caawiimo ah soo gaadhsiiyay waxa ay tidhi, “ma jiraan ilaa hada ganacsato nala soo xidhiidhay, balse hada ayuun bay ramadaan bilaabantay waana nusugaynaa waxaa jira caawiimo ay soo direen jahliyada Somaliland ee reer Norway oo soo wakiishay Sheekh Aadan Siiro waxayna usoo direen lacag dhan $700, oo dollar. Laakiin waxaa isaguna xarunta si joogto ah u caawiya Maxmuud ismaaciil Baasarce oo damaanad qaaday Afurka caruurta Agoomaha ku jira oo lacag ilaa $ 2000, kun oo dollar ah ku bixiyay Afurkaa bisha ramadaan, isaga iyo xaaskiisa labadaa qolo aad ayaan ugu mahad celinayaa Alleh ha ka abaalmariyo ayaan leeyahay ayay tidhi Agaasimaha Xaruntaasi.
Agaasimaha xaruntaa Marwo Aamina waxay sheegtay in tirada caruurta xiligan ku jira halkaasi gaadhayaan 467 caruur ah, waxayna xustay inaany jirin cid ka caawisa dhinaca caafimaadka iyo biyaha, balse ay helaan Biyaha, iyadoo u mahad celisay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa iyo shaqaalaha oo diiday in beebkaa xarunta cid kale looga talaalo Biyaha.
Laakiin dhinaca caafimaaka ayay sheegtay in aanay cid kala shaqaysaa, iyadoo xustay in barigii hore uu jiray waadh yar oo ay xaruntu lahayd, kaas oo ay yaaleen ilaa lix sariirood iyo pharmacy yar laakiin hada aan shaqayn, waxayna xustay in hadii uu ilmo yari dhaawacmo, ama jabo ay la xidhidhaan gudida Cubitaalka Hargeysa oo iygu si fiican wax nooga qabta ayay tidhi.
Marwo Aaamina waxay sheegatay in aanay jirin wax Caawimo ah oo dhinaca dawooyinka iyo caafimaadka oo ay xaruntaasi ka hesho hay’addaha Muslinka iyo kuwo kale midna, balse mudo hore ay u yimaadeen Hay’adda Hilaal AL Axmar oo sida ay sheegtay u keenay lacag $ 1000 dollar, kuwaas oo u sheegay inay si joogto ah ugu keeni doonaan lacagtaa bil walba. laakiin Hay’addaha ay ka mid tahay UNCEF ayay sheegtay inay dhawr goor la xidhiidheen, balse ay ugu jawaabeen inay meeshu tahay meel dawladeed oo aanay wax caawimo ah ka helayn, isla markaana ay weli jawaab ka sugayaan.
Sidaa awgeed Marwo Aamina waxay shacbiga Somaliland iyo cidkasta oo caawin karta Agoomahaaa Bish Ramadaan ay usoo gudbisay baaq si loo soo gaadhsiiyo caawimo ka hor inta aanay bishu dhamaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com