Gabaygan oo magaciisu yahay Dhawaaq wuxuu soo baxaya 13/1/2013 wuxuuna ka hadlayaa marxaladaha Somaliland wacyiga ka jira ee dhinacyada siyaasadda iyo horaumarka.

Waxaa curiyay Abwaan Saleban Cabdi Cali (Kalshaale), oo ah suugaanyahan qoraa suxufi ah.

Gabaygu wuxuu ku bilaamayaa sidan:-

Inkastoon Dharaariyo ku leday dhawr saniyo Haatan.

Dhulka Hooyo Dhiigii SNM Dheefta laga joogo

Dhisme Qaran markii laga dhidbaan Dhoolka aaminaye.

Dhaayahayga Maan gelin dibaa laysu dhaawiciye.

Dherigaan Dhurwaagiyo ka ridnay Haada Dhuranaysa.

Kuwaan dhinacna loo dhaafinayn Dheefta laga quuto (SNM).

Ma haday dhafoor taabashiyo Xeerar Jabaq-dhawra

Dib dhankooda uga soo Unkeen Xaajo dheelidaye

Sharcigii siyaad lagu dhibsaday ee dhib laga doortay.

Xornimada ku-dheregbaa rag badan Iilka loo dhigaye

Dheg xumada ka dirirbaa Malyuun loogu dhaawacaye

Dhedigiyo laboodkuba waatay wada dhaqaaqeene

Dhaaxay Xas iyo Buur Jafeen Dhiiri-qabayaale

Iyagoo dhan-qalaneey dhacdiyo weerar ridayeene

Dherigaan Dhur-waagiyo ka ridnay Haada dhuranaysa

Kuwaan dhinacna loo dhaafinayn dheefta laga quuto

Ma haday dhafoortaabashiyo Xeer jabaq-dhawra

Dib dhankooda uga soo Unkeen Xaajo dheelidaye

Sharcigii siyaad lagu dhibsaday ee dhib laga doortay.

Dhaqaaliyo abuurbay dadkani Nolol ku dhaaxdeene

Laba dhagax dhexdoodbay rajada dib uga dhuuxeene

Dhirin-dhirinta Nabadaa wakhtiyo dhiigba loo huraye

Waatay talada dhiibeen ragaan Guluf dhaqaajeene

Dhiilkii Togdheer lagu galiyo qaranka dhuuxiisa

Kuwaan dhinacna loo dhaafinayn dheefta laga gaadho

Ma haday dhafoor taabashiyo Xeerar Jabaq-dhawra

Dib dhankooda uga soo unkeen xaajo dheelidaye

Sharcigii siyaad lagu dhibsaday ee dhib laga doortay.

Afartaa dhameeyaye hadaan dhinac u sii dhaafo

Dhulka wadhatadii lala simee Cagaftu dhoob-dhoobtay

Dhuunigay cunaayeen kuwii dhayalka loo daadshay

Dhalan-dhoolka waxa loogu riday cidi ma dhaadayne

Dhagarihii Kalshaaliyo Buqdhadu waa Mashruuc dhimane

Dhulka Saaxil murankii ka dhacay dhugato-weeyaane

Axmed dhagax dhibiishaa dhextaal waa dharaarahane

Dhanka saylac waataa xumaan looga dhaadhacaye

Dhumucdii Midnimadaa shar iyo dheeli  loo Rogaye

Dhaamkii Gumaystuhu dhisaa dhaanka loo raraye

Dhooqiyo Ajaa Haamihii dhuuca loo dhigaye

Ka dhursuga dadweynoow  hadeer  waano kale dheere.

Xisbigii Dadweynuhu dhistee  talada loo dhiibay

Xisbigii la wada dhaadayee dhuraha loo boobay

Dhibaad celin halkii laga rabuu dhiilo soo faqaye

Dhacdo riiq leh dhawrkay hayeen dhidibka loo aasye

Dhako faar la wada qaad tan iyo dhidar xambaarkiiye

Dhambaal iyo hashii loo lisaa dhaafay xeradiiye

Shicibkii dhamaan doortaybaa dhigay Hankoodiiye

Dhalintii la hodaybaa mar kale dhiibay noloshiiye

Ka dhursuga dadweynoow  hadeer  waano kale dheere.

Dhengedbaaba lala boobayaa kii ka dhiidhiya e

Ma Ogola dhaliil iyo tilmaan sida dhigiisiiye

Dhegta iyo ishaa lagu hayaa ruux kastoo dhaqane

Dhibanaha xaqiisaa ninkii dhacay u doonaaye

niman Dhoof ka yimibaa dadkaba mooday dhigahoode

Dhayalbay u haystaan rugniga dawlad loo dhigaye

Dhaqankii qabiilkaa mar kale  dhiilka loo culaye

Dhumucdiyo midnimadii  jifaa looga dhaadhacaye

Ka dhursuga dadweynoow  hadeer  waano kale dheere.

Afartaa dhameeyaye hadaan dhinac u sii dhaafo

Xasanow Dhawaaqayga Gabay wayska dhalanteede

Dhan kastoon ka eegaba wakhtigan taladu waa dhiife

Dhabaday ku toostaa cadoo dhimatay Maandeeqe

Waxba yaanan dhiilayn warkaa maanta soo dhacaye

Dhab u fiirso dhinacyada dalkiyo dhiiga qubanaaye

Dhalintii Hargeysiyo dhankaa Saylac iyo Awdal

Sida qumac dhalfiifaha ka dhigay loola dhacay heedhe.

Dhirbaaxooyinkaa badan si aan looga dhiidhiyinba

Ama cidi dhamaaliyo u qorin weedho lagu dhaado

Car dhawaaq hadii lagugu yidhi dhimayay yoolkiiye

Dhicisowday heestii doraad heelka loo dhigaye

Dhaamkii Gumaystuhu dhisaa dhaanka loo raraye

Dhooqiyo Ajaa Haamihii dhuuca loo dhigaye

Ka dhursuga dadweynoow  hadeer  waano kale dheere.

Dhiggii Odaygi laga doortayee calanka loo dhiibay

Isaga iyo dhashuu soo xushee dhabada loo jeexay

Dhuuxiyo markay maaruqeen dhaxal hadhkii Dheriga 

Saw inay dhar-dhaarada cunaan dhaqanku muu gaadhin

Oo dhuxul kumay shidin hankiI dhigayay Taariikhda

Adigiyo dhigaagana hadeer looma soo dhiganin.

Dheemaalka shacbigii kal hore dhididku hooraayey

Dhankaalnimadu waa waxa dhexdiyo dhoorka loo jaraye

Kuma dhibo Hugaagoo madhaa dhaxanta dayreede

Ha yeeshee dheg xumo waa markuu dhafad la heermaaye

Dhayalsiga aduunkaa ku jira dhaxal xumaantaase

Dhooliga hadeer lagu sidaa waa mid dhaar qaba’e

Ka dhursuga dadweynoow  hadeer  waano kala dheere.

Halkuu dhigayo goor dhaw dhulkiyo samada dheegeeda

Dhal-dhalaalka Xamarbaa u dhaw dhiilka loo culaye….

Dhal-dhalaalka xamarbaa u dhaw dhiilka loo culaye.

Dhammaad

waxaan ka cudur daaranayaa wixii qadaf ah ee idiinka dhex muuqda ama aragti ahaan idiin cuntami waayaa inaanay ahayn waxaan ula kasay, laakiinse iyadoo la kala aragti duwanyahay, hadana Khaladku wuu dhacaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *