Faallo Maxamed Cumar
Laba Bilood ku dhawaad xukuumadda xisbiga Kulmiye haysay talada ayaa la filayey in aqlabiyadda reer Somaliland ee codkooda siiyeen xisbigaasi muxaafidka ah ka ducaystaan wixii kasoo maray xukuumadda xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, isla markaana  xukuumadda cusub iyo roobabka

 daba socda ilaa wakhtigii  ay xilka la wareegtay ku ducaystaan nabadgelyo iyo horumar, hase dhinaca kale ayaad mooddaa in tan iyo maalintii la dhaariyey xukuumaddaasi lala daba socda  sawaxan iyo durbaanno   dagaal oo ay tumayaan xoogag isbahaystay.

Sideedaba marka  xisbiyo ku loolamayey doorashooyin ku kala adkaadaan doorashadaasi, midkoodna loo aqoonsado guushaasi ayaa inta badan guushaasi loo tiriyaa  dadweynihii codka siiyey , taageerayaashii iyo hoggaanka xisbigaasi  inta badanna la iska illoobo in guushaasi Ilaahay siiyey.

Doorashooyinkii lagu kala baxay 27kii July ayaa loo tiriyaa inay inta badan dadweynihii iyo taageerayaashii kasoo jeeday gobolkii hore loo odhan jiray Hargeysa maantase ay ka fircameen gobolada kale, halka xukuumaddii tan ka horreysay eee xisbiga UDUBna inta badan guushiisa loo tirinayaey inay ka dambeeyeen  dadweynaha iyo taageerayaashii xisbibulxaakimii  hore ka joogay magaalada Oodweyne, balse maanta loo yaqaan gobolka Oodweyne.

Haddaba markaan isbarbardhigno sidii loo soo dhaweeyey xukuumaddii ka dhalatay taageeradii  shacbiga, madaxdhaqameedyada iyo siyaasiyiinta reer Oodweyne  kursiga dalkan ugu sarreeyan keentay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale iyo xukuumadda ka dhalatay taageeradii ama codadkii shacbiga, madaxdhaqameedyada iyo siyaasiyiinta reer Hargeysa ayaad moodda inay aad  u kala fogyihiin, isla markaana aad moodayso in xukuumaddii waagii hore badi  dadweynaha reer Somaliland soo dhaweeyeen marka lagu daro gobolka Awdal oo uu kasoo eeday Daahir Rayaale, waxanad mooddaa ama ay tahayba in xukuumaddan  ka dhalatay xisbiga Kulmiye, kursiga dalkan ugu sareeyana siisay Axmed Siilaanyo halkii lagasoo dhaweyn lahaa cagba loo dhigi laayahay, isla markaana dadkii  codkooda kusoo saaray xukuumaddan aad moodayso in lagala wareegay, haddiba aanay iyaga laftoodu ka mid ahayn xooggagga  seefta u qaatay sidii loola dagaalami lahaa  xukuumaddan Axmed Siilaanyo .

Reer Awdal oo maanta aad mooddo inay safka hore kaga jiraan dagaalka lagula jiro xukuumadda Axmed Siilaanyo, maadaama ay xukuumadan cusubi noqotay mid ay reer Awdal ka waayeen Saamigoodii ay ku lahaayeen, waxa la odhan karaa  xaqbay reer Awdal u  leeyihiin inay ku dedaalaan sidii ay lugta u jiidi lahaayeen  xukuumadda Axmed Siilaanyo ee saami qaybsigeedii u batay dhinaca beelaha dhexe oo qudha oo aanay reer Awdal ka helin saamigii ay lahaayeen.

Cid kastoo ogeyd  doorkii ay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo xildhibeenada golayaasha ee reer Hargeysa kasoo qaateen ololihii xisbiga Kulmiye iyo sidii ilaahay  Sh.C/casiis Samaale uga aqbalay ducadii uu xisbulxaakimka eegga ugu ducaynayey guusha doorashooyinkii lasoo maray, laguna daro waddaninimadii Jaaliyadda  reer Somaliland  ee uu hormoodka ka ahaa wasiirka arrimaha debedda Maxamed C/laahi Cumar kusoo badhi itaaleen ololihii ugu adkaa ee xisbigaasi  usoo  jiidday guusha doorashooyinkaasi ayaa la moodda in dedaal kasta oo loo galay sidii la iskaga xoreyn lahaa taliskii hore ee Somaliland  haatan loogu tafaxaytay  sidii loo fashilin lahaa, tallaabana aanay xukuumadan cusubi u qaadin.

Marka loo dhabbo galo xoogaagga isbiirbiirsaday ee kasoo kala jeeda taliskii hore ee xisbiga UDUB, guuxa siyaasiyiintii  xisbiga Kulmiye ee iska waayey liiska  xukuumadda cusub iyo xoogaga kale oo kala daadsanaanta xukuumadda kusoo gabanaya  gilgilayaana xooggii iyo xoolihii iyo taageeradii reer Harhgeysa kusoo saareen  xukuumadda Axmed Siilaanyo, iyadoo durba aad moodayso in xoogaga reer u badan durba loo adeegsanayo  dacaayadaha lala dabajoogo Xukuumadda Axmed Siilaanyo.

Dhacdooyinkan, dacaayadahan iyo ololaha ka
dhanka ah xukuumadda cusub ayaa waxay i xusuusiyeen  ereyo ku jiray khudbado, afkaar la isweydaarsan jiray wakhtii  ololaha ama xukuumaddii hore ay jirtay , kuwaasoo ay ka amid ahaayeen hadallo uu ku caanbaxay wasiirkii hore ee maaliyadda  Xuseen Cali Ducaale  (Cawil) kuwaasoo  aan kasii xusuusto “hadii Rayaale tego waan iska hor imanaynaa oo waan isdilaynaa ” iyo hadallo kale oo reer Boorama odhan jireen waagaasi oo ay ka mid ahaayeen  ‘Isaaq Isma Xukumi Karo ” iyo  waa la kala tegi hadii UDUB la rido “. hadaladaasi iyo kuwa kaleba waxa durba hordhac u yihiin sadaasha xun ee laga bixinayo xukuumadda cusub ee dawladnimadeedu kala dhiman tahay .

Haddaba su’aasha la isweydiin karayo ayaa noqon karta  sida ay  reer Haargeysa iyo reer Oodweyne ugu kala wanaagsan yihiin taageerada iyo diidmada , burburinta iyo dhismaha  xukuumadaha Somaliland , iyadoo aad moodayso in durba xukuumaddii ay dhismaheeda iyo taageeradeeda ka dambeeyeen reer Hargeysa  u egtahay mid cimrigeedu gaaban karo haddii ay sidan kusii socoto, isla markaana  sann ado badan looga hor iman waayey xukuumaddii Taageerada reer Oodweyne ku fadhiday kursiga .

Inkastoo dawladda maanta loo magacaabay hoggaanka dalku aanay ahayn sidii laga filayey, hase yeeshee waxay ahayd in hoggaankeeda lagu dhiirigeliyo sidii ay ugusoo  noqon lahayd jidka toosan haddii ay garab martay, balse aanay ahayn in durbaan laga daba qaato, laguna fadeexadeeyo tallaabo kastoo ay qaaddo.  si kastaba ha ahaatee weli waa goor hore oo ay adagtahay sida lagu dumiyop xukuumadii shalay uun la magacaabay ama la dhaariyey, waxayse u egtahay in haddii  “shacbigii soo doortay xukuumaddan cusub beddeli waayaan dareenka xun ee durba laga qaatay xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye, loo qaadan karo  in reer Somaliland ku socdaan jidka dawladnimo diidka ah ee jira dalka Soomaaliya, halkaasoo dawlad kastoo loo dhiso dhinac ka mid ah uuni gaashaanka ku dhufto aakhirataanka hubka uun la isku qaato .

Inkastoo nasiib wanaag aanay dawladda kastoo reer Somaliland dhexdeeda aanay isqabqabsan, hase yeeshee waxay u egtahay in taasi ku iman karto hadba sida  shacbiga Somaliland u dhistaan ama u duminayaan dawladnimadooda, iyadoo maanta reer Hargeysa looga baahnaa inay barbar istaagaan dawladda ku timid codkooda, una daafacaan sidii reer Oodweyne u daafici jireen xukuumaddii Daahir Rayaale.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.Ibraahim-(Hyena)
Boorama, Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *