Hargeysa (ANN)- Ururka  Haweenka  Arrimaha Diinta  oo ah Urur waddani  ah oo ay ku bahoobeen Haween Somaliland ah, isla markaana lagu magcaabo  Guddoon ayaa xalay hudheelka Maansoor ee  magaalada Hargeysa ku qabtay maxaadirooyin diini ah oo uu jeediyey Haween isugu jira wasiirro

 

, xildhibaanno iyo ururrada bulshada.
Intii aanay furmin muxaadirooyinkaa Diiniga ah, waxa halkaa  ka hadlay guddoomiyaha ururkaa  Marwo Xamda Cumar oo faahfaahin dheer ka bixisay hadafka loo aasaasay ururka Guddoon oo ay sheegtay inuu yahay mid u taagan horumarinta aqoonta  Diinta ee dhinaca carruurta, dumarka, taakulaynta dadka jilicsan iyo wacyigelinta haweenka Somaliland sidii ay noloshooda ugu dabikhi lahayeen Diinta Islaamka, isla markaana loogu  baraarujin lahaa muhiimadda Diinta islaamku u leedahay nolosha aadanaha, waxay intaas ku dartay marwo Xamda in ururkoodu had iyo jeer gacan weyn ka gaysto aqoonta diinta ee haweenka iyo carruurta, iyagoo u sameeyey madaaris gaar ah oo ay wax ku baraan dumarka.


Wasiirka-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa iyaduna si weyn ugu mahad-naqday ururka Guddoon ee soo qabanqaabiyey muxaadiradan diiniga ah ee haweenka loo jeedinayo, iyadoo sheegtay inay wasaarad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan, waxaanay ururkan si weyn ugu ammaantay taakulayntay ka qataan dadka jilicsan.
Xildhibaan Faadumo Jaamac oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtida,  ayaa sheegtay in ururkani yahay mid siyaasada ka madaxbannaan, iyada oo tilmaantay in uu yahay urur dar Ilaahay la isugu yimi, iyadoo ku boorrisay haweenka Somaliland inay ku dedaalaan sidii ay aqoontooda diiniga ah u dhisi lahaayeen.


Waxa kale oo halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan, kuwaas oo dhammaantood ka waramay qiimaha ay leedahay in la isku baraarujiyo diinta iyo cabsida Ilaahay, intaa kadibna waxay muxaadirooyinkii bilaabmeen afurka kadib culimada haweenka ah oo ay ka mid yihiin Hinda Cabdi Xasan, waxaanay halkaas ka jeedisay waanooyin ku saabsan Alle ka cabsiga iyo in dadku aakhiro u shaqaysto, markastana xasuusnadaan inay adduunyada ka tegi doonaan.

Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *