Oog(ANN)Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay lagu qabtay xafiiska Somtel  ee magaalada Oog, waxaana xadhigga lagaga jaray xarun  cusub oo ay shirkada Isgaadhsiinta Somtel ku yeelanayso magaalada Oog.

Xafladdan oo ahayd mid kulmisay bulshada qaybaheeda kala duwan , waxaa ka  qeyb galay masuuliyiin tiro badan,  aqoonyahno,   cuqaal,  culimo-awdiin uu ugu horeeyo, guddoomiyaha gobolka saraar  Ibrahim Hassan Ali (gucure), taliyaha ciidanka  bileyska gobolka saraar  Jaamac Guud Cadde, guddppmiyaha  degmada Oog  Cabdinaasir  Cabdisalaan Cabdi, dhamaan masuuliyiintaa ayaa aad u soo dhaweeyey xafiiska cusub ee shirkada somtel ee magaalada Oog, waxaanay sheegeen  in baahi badan loo qabay xafiiska xadhiga laga jaray
maayerka degmada Oog  Cabdinaasir Cabdisalaan Cabdi oo ka hadlay munaasibadaa, ayaa soo dhoweeyay imaanshaha  shirkadda somtel,  isla markaana uga mahadnaqay adeegyadan cusub ee ay ka hirgelisay magaalada.

madaxa xidhiidhka gobollada ee shirkadda somtel  Aadan Cabdullahi Cabdalle,ayaa halkaa  ka sheegay  adeegyada shirkada somtel u qabato bulshada, isagoo yidhi,
“shirkada somtel waad ogtihiin waa shirkad curdin ah hadana alle mahadii mudadaas yar waxay gaadhay dalka oo dhan, shirkada somtel waxay bulshada u qabataa adeegyo fara badan  adeegydaas waxay isugu jiraan adeegayada  telefoonada, fixed line wireless oo ah adeega adduunyadu hada isticmaasho  iyo waliba adeega internet-ka oo xawaarihiisu sareeyo.

waxaa Aadan Cabdulahi Cabdlle tusaale u soo qaatay internet-ka oo uu sheegay inay reer Oog markhaati ka yihiin inay somtel tahay shirkada kaliya ee ciyaarihii gobolada u soo daysay si toos ah si ay shirkadu u dhiiri galiso da’yarta.

Aadan Cabdulahi Cabdalle isaga oo hadalkiisii sii wata waxaa uu yidhi “walaalayaal waxaad ka warqabtaan in shirkada somtel   ka timi bulshada una timi bulshada

madaxa war baahinta ee shirkadda Somtel Abdinaasir Cumar Cilmi i (Naasir Dheere),

madaxa suuqgeynta ee xafiiska Somtel Burco Cali ismaaciil Cusman iyo mas`uuliyiin kale oo aad u tiro badan ayaa iyana halkaas ka soo jeediyey hadalo qiimo badnaa oo isugu jira sharaxaada adeegyda shirkadu u hayso bulshada iyo waliba mahadnaq ay u mahad celiyeen dhmaanba marti sharaftii ka soo qayb gashay  xaflada furitaanka xafiiska Oog

Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladdaasi oday ku hadlayey afka deegaanka ,  waxaana oday dhaqmeedkani u mahad celiyey shirkada somtel iyo waliba shirkada caanka ah ee dahabshiil waxaana uu sheegay inay deegaanku soo dhawaynyaan shirkada somtel

Ugu dambeyntii waxaa xafladdaasi soo xidhay badhasaabka gobolka saraar  Ibrahim Hassan Ali           waxaa ku nuux nuuxsaday in shirkadda somtel  ay  tahay shirkadaha ugu wax qabadka badan dhinaca adeegyada bulshada iyo waliba dhiirigalinta da’yarta

Waxaa kale oo badhasaabku tilmaamay in loo baahanyahay tartanka shirkadaha is gaadhsiinta, waxaa uu xusay badhasaabku in mar kasta oo ay shirkad cusub soo korodho ay bulshada dan u tahay, guddoomiyaha waxaa uu amaanay shirakdda somtel dadaalka ay ugu jirto in markasta macaamiisheeda u soo gudbiso adeegyo casri ah

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *