Johannesburg (ANN)Tifaftiraha Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa xalay abaalmarinta Saxaafadda Xorta ah ee Afrika ee uu bixiyo Telefishanka CNN tu lagu guddoonsiiyey xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo ka dhacday Huteelka Sandtan Sun ee

 

Magaaladda Johannesburg ee Dalka Koonfurta Afrika. Abaalmarintan CNN Multichoice African Journalist Awards ayaa tan ugu sumcadda badan ee saxaafadda Afrika la guddoonsiiyo. Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Waaheen, Mr. Xuuto ayaa bishii April horraanteedii warsaxaafadeed ka soo baxday gudida kala xulaysay 1407 saxafi oo u tartamayey abaalmarinta CNN Multichoice lagu shaaciyey inuu isugu horeba ka sii qaatay abaalmarinta Saxaafadda Xorta ah ee Afrika (Free Press Africa Award 2011), halka sidoo kale ay soo xuleen 27 saxafi oo kale oo u tartamayey 15 abaalmarinood iyo tan kaalinta koowaad ee Telefishanka CNN tu bixiyo sannad kasta.
Intaan lagu dhawaaqin ayaa guddida soo kala saartay saxafiyiinta tartan ku guulaystay, ayaa sheegay in Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) uu ku guulaystay abaalmarinta la siiyey iyadoo laga sheekeeyay xadhiga uu Mr. Xuuto uu la kulmay isagoo waajibaadkiisa shaqo gudanaya, Waxaana la sheegay inay haba yaraatee aanay jirin cid sannadkan kula loolantay, halka sannadkii hore isla abaalmarinta ay ka dhaxaysay 10 saxafi, oo sagaal ka mid ahi ay dhinteen iyagoo guddanaya shaqadooda.
Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen ku dhawaad kun qof oo iskugu jiro siyaasiyiin, saxafiyiin iyo ganacsato, ayaa waxa sidoo kale dadka lagu soo casuumay waxa ka mid ahaa sarkaal ka socday Safaaradda Somaliland ku leedahay Dalka Koonfurta Afrika.
Xafladda bixinta iyo guddoonsiinta Abaalmarinaha oo ah mid sannad kasta dal Afrika ah lagu qabto, haddana ahayd kalkii 16 naad ayaa lagu qabtay Dalka Koonfurta Afrika. Waxa ugu horrayn ka hadlay furitaankii xafladda Guddoomiyaha Xafiiska Multichoice ee Afrika Mr. Collins Khumalo iyo Parisa Khosravi oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Xafiiska Dhinaca Wararka u qaabilsan Telefishanka CNN ta, kuwaasoo dhammaan u mahadnaqay ka soo qaybgalayaasha kuna bogaadiyey 27 saxafi ee ku soo baxay tartanka kama danbaysta ah ee abaalmarianaha kala duwan u tartamaya.
Ka dib, waxa hadalka lagu soo dhaweeyay Joel Kibazo oo ah Guddoomiyaha Guddida kala saaraysay tartamayaasha kaasoo sheegay inay sannadkan u garteen inuu ku guulaystay Abaalmarinta Abaalmarinta Saxaafadda Xorta ah ee Afrika, Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ah saxafi ka hawlgala Wargeyska Waaheen, oo hoos yimaada bahda Waaheen Media Group, isagoo hadaladiisii ka mid ahayd. “Xorriyadda aad u haysato in la guto mihnadda saxaafadeed waa tan udub-dhexaadka u ah saxaafadda, sidaa darteed anagoo aqoonsan dadaalkii iyo kartidii dheeriga ahayd ee uu muujiyey si uu warka uga haqab tiri lahaa bulshadiisa, waxaanu siinay abaalmarintan Maxamuud.” Mr. Xuuto ayaa markii la guddoonsiiyey abaalmarinta halkaasi ka jeediyey hadal kooban oo mahadnaq ah xusayna inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku guulaysto abaalmarinta isagoo ah saxafi  ka socda Dalka Somaliland. Waxa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay taariikh kooban oo ka hadlaysa geedi-socodka mihnadeed ee Tifaftire Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto). Waxa sidoo kale sannadkan loo aqoonsaday Saxafiyadda Sannadka Faadumo Nuur, oo ka socotay Wargeyska The Star oo ka soo baxa Dalka Kenya. Faadumo oo ka mid ahayd saxafiyiintii ka qaybgalayey Xafladii xilka ay kula kala wareegayeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Daahir Rayaale, ayaa maqaal dheer ka qortay koox dhalinyaro ah oo laga soo tahriibiyey Dalalka Reer Galbeedka kuwaas oo loo sii waday Magaaladda Muqdisho si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay kula kulantay si qarsoodi ah iyagoo ugu sugan Magaaladda Hargeysa.
Halkan waxa ku xusan dhammaan qaybahii Abaalmarinahii kala duwanaa ee lagu guulaystay iyo magacyadda saxafiyiintii ku soo baxay. Waxaanay kala yihiin sida tan:

1. Melini Moses oo ah haweenay u dhalatay dalka Koonfurta Afrika ayaa ku guulaysatay abaalmarinta Wararka Raadiyaha laga sii daayowon the Radio Bulletin award.
2. Abaalmarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ayaa ay wada heleen labada saxafi ee Kenya u dhashay ee Sylvia Chebet iyo Kimani Githae.
3. Abaalmarinta Wararka Guud ee qoran ayay ku guulaysatay Faaduma Nuur oo u dhalatay Dalka Kenya.
4. Abaalmarinta Wararka Telefishanka ka baxa waxa ku guulastay Farouk Koyondo oo u dhashay dalka Uganda
5. Waxa helay abaalmarinta Wararka Guud ee ku baxa afka Boortaqiiska Selma Miravate oo ah haweenay u dhalatay dalka Mozambique.
6. Abaalmarinta Sawir-qaadida ee loogu Magac daray Mohamed Amin, waxa la siiyey Norman Katende oo u dhashay dalka Uganda.
7. Abaalmarinta ka warbixinta wararka la xidhiidha xanuunka HIV/AIDS ka waxa la siiyey Beryl Ooro oo u dhalatay Dalka Kenya.
8. Abaalmarinta dhinaca Dalxiiska waxa la siiyey Benon Herbet Oluka oo u dhashay Dalka Uganda.
9. Wararka Guud ee ku baxa Afka Faransiiska ee laga sii daayo TV/Raadiyaha waxa qaatay Claudine Efoa Atahoun oo u dhalatay Dalka Benin.
10. Wararka guud ee lagu qoro Afka Faransiiska waxa la siiyey Rabin Bhujun oo u dhashay Dalka Mauritius.
11. Abaalmarinta Caafimaadka iyo Daawadda waxa qaatay Oluwatayosi Ogunseye oo u dhashay Dalka Nigeria.
12. Abaalmarinta Barnaamujyadda Telefishanka waxa ku guulaystay Lindile Mpanza oo u dhalatay dalka Koonfurta Afrika
13. Abaalmarinta Ciyaaraha (Sports) waxa qaatay Kamau Mutunga oo Kenya u dhashay.
14. Saxaafadda Dhijitaalka ah waxa abaalmarinteeda la siiyey saddex qof oo ka hawlgala website ka DispatchOnline oo laga leeyahay Dalka Koonfurta Afrika.
15. Abaalmarinta Arrimaha Deegaanka waxa la siiyey Lamia Hassan oo u dhalatay Dalka Masar.
16. Abaalmarinta  Fanka iyo Dhaqanka waxa qaatay Kofi Akpali oo u dhashay Dalka Ghana.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *