https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=135334f9fd90c05f&attid=0.4&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1328023594033&sads=SzURnCWAYdsH0fRdB-nVAYOWFR8&sadssc=1Hargeysa(ANN)Wasiirka iskaashiga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark Chrisgian Friis Bach ayaa booqasho ku tegey  Somaliland, wuxuuna kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo  xubno ka

mid ah golihiisa wasiiradda.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaa  ka dib la hadlay saxaafada ayaa ammaanay dalka Denmark oo uu ku tilmaamay mid saaxiib la ah Somaliland, isagoo yidhi,  “Dalka Denmark waa dal aad iyo aad inoola shaqeeya (Somaliland), waana dal gacan weyn ku leh horumarka dhaqaalaheena oo meelo badan inaga taageera.”
“Denmark waa dal aynu saaxiib nahay si wanaagsana waanu u wada hadalay Wasiirka sida uu cadeeyayna waa dal aad iyo aad u qiimaynaya xasiloonida iyo deganaanshaha Somaliland iyo doorka ay kaga jirto Geeska Afrika. Waxay jecel yihiin inay mashaariic badan gacan ka geystaan oo ay ka mid tahay mashaariic la siinayo dawladaha Hoose, waanan soo dhawaynayaa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Denmark tahay dal Somaliland la jecel horumar iyo nabad-gelyo.

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=135334f9fd90c05f&attid=0.3&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1328023828328&sads=-dBkkpTxG01ACGFzWiwv9-1MZzU
Wasiirka iskaashiga iyo horumarinta ee dalka Denmark Christian Friis Bach, oo isna kulankaasi ka dib hadlay ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sida uu ugu soo dhaweeyay dalka, waxaanu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu Somaliland yimaado isagoo hoggaaminaya wefti ka kooban labaatan xubnood. Wasiirku wuxuu xusay inuu la dhacay isla markaana ay dalkiisa soo jiidatay nabad-gelyada iyo dimuqraadiyada ka jirta Somaliland.
Mr Christian ayaa sheegay in Somaliland ku amaanan tahay degenaanshaha iyo xasiloonida ay samaysay isla markaana uu muuqdo doorka ay ka qaadan karto arrimaha geeska afrika, isla markaana ay dawladiisu diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalmada ay siiso Somaliland si taasi wax weyn uga tarto nolosha aadamaha gaar ahaan dhinacyada arrimaha bulshada.
Wasiirku waxuu xusay heerka ay Somaliland ka gaadhay horumarinta Dimuqraadiyada iyo ammaanka xilli ay Somaliland ku taallo mandaqad halisi ku xeeran tahay. waxaanu Somaliland u soo jeediyay inay sii xoojiso dedaalkeeda waxqabsigeeda dawladnimo.
“Waxaanu halkan u nimid qadarintayada u muujino horumarka ay Somaliland ka samaysay Nabadgelyada, dhismaha dimuqraadiyada, waxaanu halkan u joognaa inaanu sii xoojino wada shaqaynta aanu la leenahay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland,”ayuu yidhi Christian Friis.
Wasiirku wuxuu sheegay inay Hargeysa ka furan doonaan xafiis farsamo oo isku xidha labada dal, waxaanu yidhi “Waxaanu sidaasi u samaynaynaa inaanu ku deeqno wax badan oo ka mid ah iskaashiyada dhinaca horumarka. Waxaanu Somaliland ka furan doonaa xafiis farsamo oo ka shaqeeya dhinaca iskaashiga labada dal.”

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=135334f9fd90c05f&attid=0.2&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1328023927841&sads=uG22WDNirvBwTMWTwBTz7yDH_rE

Kulankaasi Madaxweynuhu ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Denmark, waxa goob joog ka ahaa Wasiirrada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji xasan iyo Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire.
Dhinaca kale, Weftiga Wasiirka Horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Denmark ayaa kulan la yeeshay shirgudoonka aqalka Wakiiladda Somaliland.
Waxa kale oo weftigani ay booqdeen saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa, waxaana  booqashadooda Saylada lagu macneeyay inay ugu  kuur-galayeen dhaqdhaqaaqa iibka xoolaha.
Weftigan oo waxa xubno ka ah u qaybsanaha arrimaha Afrika ee wadanka Denmark , danjiraha dalkaasi u fadhiya dalka Kenya iyo xubno kale.
Dhinaca kale Wasiirka iskaashiga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark Chrisgian Friis Bach, waxay booqashadiisu daba socotay booqasho uu Somaliland ku tegey Nov, 2010,  Mr. Soren Pind oo ahaa Wasiirkii hore ee  Iskaashigga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark , kaas oo waqtigaa balanqaaday inay Somaliland ka caawinayaan dhinacyada la dagaalanka Agagixisada iyo Budhacd-badeeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *