Samantha 1Nairobi(Arraweelo News)Warbixin cusub oo laga helay  haweenayda lagu magcaabo Samantha Lewthaithe oo ah gabadh u dhalatay dalka Britain, isla markaana

 

dawlada Kenya dhowaan Booliska Caalamiga ah ka dabtay in waaran loo jaro, ayaa lasoo bandhigay doorkii ay ka qadatay  weerarkii Westagate ee Nairobi 21 Sep, 2013, kaas oo dhaliyay khasaare balaadhan.

Haweenaydaa oo ah 29 jir, waxay  sidatay magaca Samantha Lewthwaite ka hor intii aanay qaadan Diinta Islaamka, balse waxay is guursadeen  Jermaine Lindsay oo ahaa ninka la rumaysan yahay inuu isku qarxiyay weerarkii 2005 lagu qaaday Tareenada dhulka hoostiisa mara ee London.

Warbixinta Hay’addaha dhinaca Mukhabaraatka ee dalalka reer galbeedka oo baadhaya dhacdadii Westagate  Mall ee dhismaha ganacsiga Nairobi, ayaa soo bandhigay xoggo iyo macluuumaad dheeraad ah oo iftiiminiya doorkii ay ku lahayd hawlgalkaa.
Samandha and her 3
Gabdhaa oo magaca looga yaqaan dhinaca kooxaha argagixisada loogu yeedho White Widow’ , waxa warbixinaha laga helay lagu sheegay in ay sadex bilood ka hor weerarkii dhismaha kasoo kiraysay goobta kooxdaa u fududaysay inay fuliyaan hawlgalkaa, iyadoo sidoo kale suurta gelisay in kooxdu hub ku kaydsato halkaa.

Samantha waxa guursaday  maalmo yar ka hor weerarkii lagu qaaday dhsimahaa Sarkaal hore uga tirsanaa Ciidmada Badda ee Kenya, kaas oo uu ka dhexeeyay xidhiidh hore oo qarsoodi ah.
Samantha2
Gabdhaa oo adeegsanay South African passport oo lagu dhejiyay sawir aan ahayn keeda, waxa ay ciidamada Kenya xidheen 2011, iyadoo looga shakiyay inay qorshaynaysay weerar qaraxyo ah.
Waxaana xiliggaa lagu qabtay iyadoo ku sugan guriga Nin lagu magcaabo Cabdi/Waaxid oo degan Magaalada xeebta ku taal ee Mombasa, kaas oo ay is guursadeen waqtigaa.

Cabdi/waaxid, ayaa lasii daayay, iyadoo aan maxkamad la hor geyn, waxaana la rumaysan yahay in uu ku noolyahay wadamada Yurubta Bari.  sida laga soo xigtay Scotland Yard.

Haweenayda Samantha ayaa magaceeda si weyn loogu qaadaa dhigay warbaahinta caalamka markii uu dhacay weerarkii Westagate, iyadoo si weyn loo rumaysnaa in ay qayb ka ahayd weerarkaa
balse waxa jiray  warar dhinaca warbaahinta Britan laga soo xigtay oo sheegayay  in aanay haweenaydaasi qayb ka ahayn weerarkaa ee ay ku mashquulsantahay xanaanaynta caruurteeda, isla markaana ay maalmo ka hor weerarka xanuunsatay oo ay ku sugantahay woqooyiga  Ireland sida laga soo xigtay Ayeydeed Elizabeth Allen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *