images/stories/muuqaalka keybalka badda.jpg  Mashruuca Isgaadhsiinta  iyo gudbinta macluumaadka Internetka ee Keybalka dhinaca Badda ee loo yaqaan (East African Sub- Marine Cable System Project ) oo loo soo gaabiyo  fududeeye (EASSy) ayaa hada u muuqda mid ay hadheeyeen muran iyo khilaafaad ka dhashay habka ay wadamada Bariga Afrika iyo Gaanacsatada, ama shirkadaha  Isgaadhsiinta ee wadamada uu ku jihaysan yahay uga qayb qaadanayaan maalgashigiisa marka laga yimaado  maalgelinta Baanka Aduunka.

 

Mashruucan oo loo qoondeeyay inay ku baxdo lacag lagu qiyaasay  $  200 Million oo dollarka mareykanka ah , taas oo  qiyaastii $ 170  Million  noqonayso inta lagu soo jiidayo  Keybalka ee lagu soo gaadhsiinayo xeebta, iyadoo $ 30 Million oo dollar ay ku  baxayso  kulamada lagaga tashanayo hawsha iyo adeegyada  mashruucaa lagu maamulayo mudada lagu jiro dhismaha iyo hirgelinta mustaqbalka mashruucaa oo aanay ku jirin qaabka loogu gudbinayo wadamadaa mid kasta nidaamka  Isgaadhsiintiisa.
Iyadoo la rumaysan yahay inuu mashruucani si weyn wax uga tarayo bulshada ku dhaqan geeska Afrika iyo wadamada kale ee fursadaa ka faaidaysta dhinacyada dhaqaalaha, shaqooyinka iyo isticmaalka enternetka iyo teloofoonada oo qiimahoodu aad u hooseeyo, isla markaana tayadoodu sarayso iyo xaqiijinta ku xidhnaanta caalamka ee nidaamka golobasayshinka isku xidhka Aduunka.
Mashruucan oo ay  maalgelinayaan  Baanka Aduunka iyo Hay”ado, ama  Ururo caalami ah  waxa la saadaalinay bilawgii inay ka qayb qaataan shirkadaha wadamadaa ee dhinaca Isgaadhsiinta iyo ganacsatada u dhalatay dalalkaas  oo ay maalgashi ku sameeyaan. Laakiin marxalado badan iyo duruufo ku xeernaa ayaa abuuray jiitan.
Hindisaha qorshaha mashruuca Keybalka Badda hoosteeda ee la doonayay in Afrika lagu soo wareejiyo wuxuu ahaa mid sannadii u danbeeyay soo socday, waxaana sannadkii 2002 lasoo gebagebeeyay mashruuca  keybalka SAT3/WASC, kaas oo ay isticmaalayaan  11 wadan oo galbeedka Afrika ah, kuwaas oo shan ka mid ahi yihiin kuwa laysku yidhaahdo ECOWAS. Laakiin  wadanka Angola oo keliya ayaa lagu xidhay Optic Fibre submareine  Cable, halka wadamada Congo  (DRC), Congo  Republic Central Africa (CAR) ay  yihiin shanta xubnaha ka ah GLR. 
Sidoo kale Economic Community of Central Africa States oo loo soo gaabiyo (E CCAS) ayaan iyagu weli helin adeegaa mashruuca,  inkasta oo ay jireen codsiyo ay ku dalbanayaan inay ka qayb qaataan mashruucaa si ay uga faa’idaysteen wadamadaasi. Balse waxa jiray dib u eegistii mashruuca Keybalka uu maalgelinayay Baanka Aduunku ee EASSY fududeeyaha in lagu xidhiidhiyay Optic Fibre, iyadoo ay ka qayb qaateen shirakado gaar loo leeyahay lagu xidhiidhiyay Keybalka xadhkaha SAT3/WASC/SAFE, kaas oo ujeedadiisu ahayd in laysku xidho Afrika, Asia Iyo Yurub, isla markaana qorashahaasi yahay Optic Fibre System ay awoodiisu sarayso oo door mihiim ah ka qaadanaya horumarka, waxaana la bilaabay qorshaha mashruucaa EASSy oo Africa oo dhan lagu soo wareejiyo, iyadoo ay iska kaashadeen daraasado mashruucaa lagu hirgelinayo koox ka socotay Baanka Aduunka  (World  Bank Group), Bangiga Houmarinta ee Koonfur Afrika ( Development Bank of  South Africa), Hay’ada Horumarinta  ee Faransiiska (Agence Francaise de Development) ee loo soo gaabiyo  (AFAD) oo kaashanaya Hay’ada ka   qaybqaadashada horumarinta Afrika ee NEPAD (New Partnership for Africa’s Development) oo la sameeyay 2001.
Waxaana waqtigaa saxeexay  qoraalka xusuusta fahamka mashruucaa labaatan wadan shirkadohooda Isgaadhsiinta iyo kuwo gobolo ka socday, iyadoo ay ka mid ahaayeen
1- Botswana Telecommunication Corporation
2-Dalkom Co LTD (Somalia)
3-Djibouti Telcom
4- Ethiopia  Telecom Corporation
5-Kenya Data Networks
6- Malawi Telecom
7-MTN  Uganda
8-Ontel Burundi
9-Ruwanda Telecom
10-Satcom Ltd
11-Sentech South Africa
12-Sudan Telecom Ltd (Sudatel)
13-TDM Mozambique
14- Telecom Burundi
15-Telecom Malagasy
16- Telecom Kenya
17-Telecom South Africa
18-Telecom
19-Zanzibar Telecom
20- Zambia Telecom (Zamtel).
 
  
  Inkasta oo wadamada gobolka ee mashruucaa danaynayay qaarkood bilaabeen qorshayaashoodii ka dib markii ay buuxiyeen shuruudihii loo baahnaa, isla markaana ay saxeexeen heshiiska fahamka mashruucaa waxa hadana jirta in wadamada qaarkood dib uga laabteen markii ay kasoo bixi waayeen shuruudaha ku xidhan mashruucaa oo ay ka mid yihiin arrimaha amaanka iyo isku xidhnaanta isgaadhsiinta ka jirta wadankaa inay tahay mid ka diiwaan gashan Ururka  Isgaadhsiinta Caalamiga ah, iyadoo guddiyo kala duwan loo qaybiyay ka qaybgalka shirkadaha iyo wadamada doonaya inay ka qayb qaataan mashruucaa, kuwaas qiimayn iyo baadhitaan ku samaynaya qorshayaasha shirkadaha, ama ganacsatada wadamadaasi gudbiyaan oo shuruudaha looga baahanyahay laga xusi karo  qaab xisaabeedkooda iyo doorka ay ka qaateen horumarinta adeegyada bulshada deegaamada ay ka shaqeeyaan kadibna go’aan uga qaadanaya. 
Qaar badan oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta aduunka, kuwa wadamada mashruucani ku jihaysan yahay iyo ganacsato u dhalatay dalalkaa ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanaa inay ka qayb qaataan mashruucaa, isla markaana waxa jira ismaandhaaf ka dhashay qorshayaal ay wateeen qaar ka mid ah shiradaha iyo ganacsatada wadamadaa qaarkood iyo masuuliyiinta ka taliyaa, kuwaas  oo hindisayaasha ay ku doonayeen inay kaga qayb galaan maalgashiga iyo qorshaha mashruucan ee Baanka Aduunku u shexeeyay maalgelintiisa is khilaafeen, tusaale ahaan wadamada dhulkii ay ka talin jirtay dawladii Soomaaliya waxa uu Baanka Aduunku u qorsheeyay in Keybalka looga jiido dhinaca Magaalada Muqdisho, taas oo ay ganacsato u dhalatay dhinaca Somaliland dedaal ugu jirtay in dhinaca magaalada Berbera ee Xeebta Badda Cas loosoo mariyo, iyadoo dawlada Djabuutina danaynay in dalalka Ethopia iyo gebi ahaanba Soomalia dhinaca wadanka Djabuuti looga jiido Keybalka, Deegaanka lagu magcaabo Haramuus oo duleedka Lawyacado ee xuduuda Somaliland iyo Djabuuti ah, iyadoo doonay in halkaa la dhigo  xadhkaha  loo yaqaan ( Fibre  Optic) oo sida timaha oo kale ah, isla markaana xanbaarsan qiyaastii 320,  ama  640Gb/s, kuwaas   oo tobankii Tin   ama, dhawrkii  Tin (Fibre Optic)  lalinayaan in ka badan 10Gb/s, isla markaana loo qorsheeyay nidaamkaa  25 sannadood inuu cimrigiisu ahaado. 
Mtunzini oo ku taala xeebta Bariga Koonfur Afrika ilaa Badda Cas ee Port Sudan oo ku taal Bariga Afrika oo lagu qiyaasay masaafo gaadhay 8.840km ayaa loo qorsheeyay in geeyo Keybalka laga soo jiiday Koonfur Afrika, kaas la doonayo in lagu xidho keybalka Badda ee Yurubta iyo Aasiya (European/ Asian Optic Fibre), iyadoo loo qorsheeyay siddeed wadiiqo, ama goobood   oo looga gudbiyo dhinaca Beriga oo loo calaamadiyay siddeed wadan, kuwaas  oo kala ah,  Mtunzini (South Africa), Maputo (Mozambique), Toliary (Madagascar), Dar-es-Salaam(Tanzania), Mombassa (Kenya), Mogadisho (Somalia), Djibouti (Republic of Djibouti), Port Sudan (Sudan) . Laakiin qorashihii loo calaamadiyay in Muqdisho looga jiido si gebi ahaanba dhulka Soomaalida loo gaadhsiiyo ayaan ilaa hada suurta gelin. Ka dib markii ay hadheeyeen murano la xidhiidha tartan shirkado ganacsi  iyo loolan, isla markaana ay soo waajaheen duruufaha ka jira Somalia ee dhinaca amaanka Berriga iyo Badduba,kuwaas  oo  ka hor imanaya shuruudaha qorshayaashaa maalgelinta Baanka Aduunka ee mashruucaa, iyadoo  ay  u dheertahay jiritaan la’aanta siyaasad isgaadhsiineed oo isku xidhan  iyo qorshe midaysan oo aan ka jirin gebi ahaanba maamulada ka jira Deegaamada Soomaalida iyo shirkadaha ka hawlgala oo aan buuxin waayay shuruudaha bilawga maalgashiga mashruucaa loo baahnaa.
Sidoo kale mudadii uu soo jiitamayay mashruucan  (EASSy), soo baxayay abaabulo kale oo ay ganacsato iyo qaar ka mid ah hogaaminayaasha geeska Bariga Afrika ku doonayeen inay kaga qayb qaataan qandaraasyada mashruucaa, kuwaas oo samaytay magacyo shirkado iyo Company aan hore u jirin, balse waxa suurta gal noqonweyday inay buuxiya an shuruudaha ku xidhan mashruucaa.  
Shebkada araweelonews.com ayaa qoraaladan faaqidadaa ah ee ay ku daah furay isgaadhsiinta dhinaca Badda ee mashruuca EASSY si ay wax uga iftiimiso soo bandhigtay May 2010, waqtigaa oo uu socday loolan kaanbeyn siyaasadeed oo la doonayay in looga faaidaysto iyadoo ay jireen sheekooyin dhinaca ganacsatada ku loolamaysay iyo maamulkii kooxda Rayaale ugu sheegayeen dadka in Keybalka laga soo duwi doono dhinaca magaalada Berbera, balse xaqiiqdu ay sidaa ka duwanayd, isla markaana ay shebekada Araweelonews iyadoo ka duulay xogaha iyo macluumaadka Dukumentiyada ay heshay iftiimisay qorshaha mashruucaa iyo shuruudaha ku xidhan fulintiisa loolanka dawladaha, shirkadaha dilaaliinta iyo ganacsatada. Sidaa awgeed sheekada mashruucaa Keybalka badda oo maalmihii u danbeeyay warbaahinta Somaliland qaarkood lagu baahinayay qoraalo iyo sheekooyin  indha La,aan ah oo ku saabsan isgaadhsiintaa dhinaca badda ayaanu akhristayaasha shebekada xusuusinaynaa xaqiiqda mshruucaa, iyadoo shebekada araweelonews.com May 2010 baahisay faaqidaadamashruucaa, iyadoo warbaahinta Somaliland waqtigaa oo soo xiganaya qoraaladaa  araweelonews daabaceen. Sida shebekadaha Berberanews.com gabiley.net.
Lasoco qaybta kale

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *