ukarineKiev(Araweelo News Network)Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amar ku bixiyay in 150,000 ciidamadiisa ah loo diro dalka Ukraine, waxaana dalabka loo gudbiyay aqalka Kremlin ee looga taliyo dalka Raashia.
Ciidamadaa ayaa la sheegay in ay diyaar u noqonayaan sidii loo badbaadin lahaa dalka Ukraine oo xiisad siyaasadeed ka taagantahay, taas oo sababtay in Madaxweynihii taageerada ka haystay dalka Ruushku ka baxsado dalkiisa. Kadib markii mudaharaadyo dhawr bilood socday uu awoodi waayay in xukuumddiisu dejiso, isla markaana Baarlamaanku ka qaaday xilkii. Sidaana uu kaga baxay dalka Mr. Yanukovich isagoo dhuumanaya afar maalmood ka hor.
Baarlamaanka dalka Ukraine ayaa xilka Madaxweynaha dalkaa u magcaabay Afhayeenkii Baarlamaanka, balse waxa sii kordhay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Ukraine, iyadoo dawlada Ruushku sheegtay in aanay aqoonsanayn xukuumadda cusub, balse dalalka Midawga Yurub iyo Maraykanka ayaa u muujiyay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed, waxayna ku baaqeen in la dejiyo xiisada ka taagan dalkaa.

ukraine2
Hase yeeshee khilaafka siyaasadeed ee dalalka Ruushka iyo Midawga Yurub oo maraykanka xulufo la ah ayaa si weyn isugu maandhaafay xaaladda dalka Ukraine.
Dawlada cusub ee taageerada ka haysata Midawga Yurub iyo Maraykanka, isla markaana wasiiro looga magcaabay hogaamiyayaashii kacdoonka, kuwaas oo weli sii wada banaanbaxyada ayaan waxba ka bedelin xaaladda, waxayna awoodi weyday in ay soo celiso xasiloonidii iyo nidaamkii dawladnimo, iyadoo Gobolka Crimea ee dalka Ukraine ay ka dhaceen maanta mudaharaadyo iska soo horjeeda oo lagu kala taageersan yahay Ruushka iyo dowladda cusub ee Midawga Yurub iyo Maraykanku taageereen, waxaana mudaharaadyada iska soo horjeeda sababay khasaare aan weynayn kala dhexgalay ciidamada Boliiska.
Ruushka ayaa dalbaday in cambaareyn caalami ah loo soo jeediyo waxa uu ku tilmaamay dhibaato sii kordhaysa oo ka socota galbeedka Ukraine.

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha debadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa ugu baaqay dhammaan dalalka danaynaya arrinta dalka Ukraine  inay kawada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Ukraine oo xasillooni ay ka jirto.

Mr John Kerry  ayaa sheegay in Ukraine aanay ahayn meel ay fikradaha reer galbeed-ka iyo Barigu ku dagaalamayaan, wuxuuna sidaa ka sheegay magaalada Washington, kadib kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, William Hague oo ay ka wada hadlayeen xiisada ka taagan Ukraine.

Qalalaasaha iyo kacdoonka ka taagan dalkaa ayaa billaabmay kaddib markii Madaxweynihii xilka laga tuuray uu diiday inuu heshiis la galo Midowga Yurub, wuxuuna taa bedelkeeda door biday inuu xidhiidh dhaw la yeesho Ruushka. Ukraine waxay xudun mihiim ah u ahayd dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Bariga iyo Galbeedka, waxayna xuduudo la wadaagtaa ilaa todoba dal oo kala ah, Ruushka, Belarusia, Poland, Slovakia, Hungary, Romania iyo Moldovia.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *