Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweyne Siilaanyo, ayaa golaha wakiilada Somaliland u gudbiyay Liiska xubnaha cusub ee Gudida Doorashooyinka

 

Qaranka, kuwaas oo ka dhimantahay xubinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Madaxweyne Siilaanyo dib ugu celiyay xubintii ay hore u gudbiyeen.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda xili danbe caawa oo ku taariikaysan 6 Oct, 2014, ayaa u qornaa sidan:-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/SHGW/081-2813/102014,

Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu gudbiyey Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, kuwaasi oo ka kooban lix xubnood oo cusub bedelna u noqon doona Xubnihii hore komishinka Doorashooyinka Qaranka ee wakhtigoodu dhamaaday.

Ujeeddo Madaxweyne:     Soo Gudbin Xubno, Guddida Doorashooyinka Qaranka
Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa dhammaad ku dhaw muddo xileedka Guddida Dorashooyinka Qaranka. Sidaas darteed, waxa lagama-maarmaan ah in aan beddelkoodii idiin soo gudbiyo.

Haddaba, waxaan si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa Lix (6) Xubnood oo ka mid noqon doona xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay soo gudbiyeen dhinacyadii uu sharcigu awoodda u siiyey soo xulidda saamiga kaga beegan si waafaqsan hab-raaca ku qeexan Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer No.20/2001, Qodobkiisa 11, Faqraddiisa 2aad.

Magacyada Xubnaha cusub ee buuxiyey shuruudihii xubinnimo ee looga baahnaa sida uu dhigayo Xeerka Doorashoyinka Xeer No.20/2001 Qodobkiisa 12 waxay kala yihiin:-

Xubnaha Madaxweynuhu soo Xulay:

1.     Mudane, Maxamed Jaamac Maxamed.

2.     Mudane, Maxamuud Jaamac Wacays.

3.     Marwo, Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi.

Labada Xubood ee Golaha Guurtida:

1.     Mudane, Siciid Cali Muuse.

2.     Mudane, Cabdi-qaadir Iimaan Warsame.

Xubinta Xisbi UCID:

1.     Mudane, Cabdi-fataax Ibraahim Xassan.

Waxaan soo jeedinayaa inaad xubnaha si dhakhso ah uga gudataan waajibaadkiina Dastuuriga ah.

Fiira-gaara;

1)   Xubinta ka dhiman Xubnaha Guddida waxaan soo gudbin doonnaa markay buuxiso shuruudaha

2)   Waxa halkan ku lifaaqan CV-yada Xubnaha Cusub.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.
Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *