LONDON(ANN/The People) Labada Madaxweyne  ee dalalka  Jamhuuriyada Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) iyo  Madaxweynaha Jaziirada Seychelles Mr: James Michel ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaya in maxaabiista budhcad badeeda ah ee waqtigan ku xidhan dalka

 

Seychelles ee ku taala badweynta India  lagu soo wareejiyo dalka Somaliland si halkaa loogu maxkamadeeyo,  isla markaana ay xukunkooda ku qaataan.

Sidaana waxa lagu faafiyay shebekada The People, taas  lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay kawada werwersan yihiin,  isla markaana ay dhibaato kuwada hayaan labada dal iyo  caalamkaba Budhcad baddeeda gaadiidka badda ka ugaadhsada xeebaha Somalia iyo marinka mihiimka ah ee bada cas.  Madaxweynayaasha ayaa isku afgartay inay waajib tahay in budhcad baddeeda cadaaladda la mariyo, iyadoon aan wax madax-furasho ah la siinayn.
Madaxweynaha dalka Seychelles Mr: James Michel ayaa xaqiijiyey in golaha wasiirada iyo Baarlamaanka dalka soomaliland ay ogolaadeen in maxaabiista budhcad badeeda ah lagu soo wareejiyo dalka Somaliland, Bayaanka ay saxeexeen labada madaxweyne ayaa lagu xusay in heshiiskan

dhexmaray Somaliland iyo  Jaziirada Sechelles uu yahay tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday si loo hormariyo cadaaladda mandaqadda oo looga dhigo mid luggo adag ku taagan si loo hor geeyo budhcad badeeda ay soo qabtaan Maraakiibta dagaalka ee ku sugan badaha Soomaaliya, Heshiiskan ayaa sidoo kalle lagu xusay in Dowladaha gobolka oo ay Somaliland kamid tahay inay la dagaalamaan budhcad badeeda, isla markaana kuwa danbiga lagu hello lagu xidho Jeelasha Gobolka oo ay ka  wadaan Somaliland. heshiiskan labada dal waxa goob joog ka ahaa dalalka Britain iyo Denmark oo si weyn ugu ololeeya la dagaalanka Budhcad-badeeda. waxayna labada hogaamiye heshiiskaa qalinka ku duugeen intii uu socday shirka dawlada Britain ku qabtay dalkeeda ee lagaga hadlayay arrimaha mushkilada Somalia ee budhcad-badeeda iyo la dagaalanka argagixisada Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *