LONDON(ANN/The People) Labada Madaxweyne ee dalalka Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Jaziirada Seychelles Mr: James Michel ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaya in maxaabiista budhcad badeeda ah ee waqtigan ku xidhan dalka
Seychelles ee ku taala badweynta India lagu soo wareejiyo dalka Somaliland si halkaa loogu maxkamadeeyo, isla markaana ay xukunkooda ku qaataan.
Sidaana waxa lagu faafiyay shebekada The People, taas lagu sheegay in Labada Madaxweyne ay kawada werwersan yihiin, isla markaana ay dhibaato kuwada hayaan labada dal iyo caalamkaba Budhcad baddeeda gaadiidka badda ka ugaadhsada xeebaha Somalia iyo marinka mihiimka ah ee bada cas. Madaxweynayaasha ayaa isku afgartay inay waajib tahay in budhcad baddeeda cadaaladda la mariyo, iyadoon aan wax madax-furasho ah la siinayn.
Madaxweynaha dalka Seychelles Mr: James Michel ayaa xaqiijiyey in golaha wasiirada iyo Baarlamaanka dalka soomaliland ay ogolaadeen in maxaabiista budhcad badeeda ah lagu soo wareejiyo dalka Somaliland, Bayaanka ay saxeexeen labada madaxweyne ayaa lagu xusay in heshiiskan
dhexmaray Somaliland iyo Jaziirada Sechelles uu yahay tallaabo muhiim ah oo hore loo qaaday si loo hormariyo cadaaladda mandaqadda oo looga dhigo mid luggo adag ku taagan si loo hor geeyo budhcad badeeda ay soo qabtaan Maraakiibta dagaalka ee ku sugan badaha Soomaaliya, Heshiiskan ayaa sidoo kalle lagu xusay in Dowladaha gobolka oo ay Somaliland kamid tahay inay la dagaalamaan budhcad badeeda, isla markaana kuwa danbiga lagu hello lagu xidho Jeelasha Gobolka oo ay ka wadaan Somaliland. heshiiskan labada dal waxa goob joog ka ahaa dalalka Britain iyo Denmark oo si weyn ugu ololeeya la dagaalanka Budhcad-badeeda. waxayna labada hogaamiye heshiiskaa qalinka ku duugeen intii uu socday shirka dawlada Britain ku qabtay dalkeeda ee lagaga hadlayay arrimaha mushkilada Somalia ee budhcad-badeeda iyo la dagaalanka argagixisada Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com