Hargeysa(ANN)Ergo gaadhay ilaa 70 qof oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyihii kooxdii SSC ee dagaalada kula jiray Somaliland dhinaca deegaanka Buuhoodle Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa caawa soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii ay heshiis nabadeed

hordhac ah isla gaadheen shalay wefti xukuumaddu u dirtay oo ay kulan ku yeesheen degmada Oog.
Wefdiga Ergada ka socda deegaanka Buuhoodle oo  kooban madax-dhaqameed, cuqaal, dhalinyaro iyo xubno ka mid ah qurbo-jooga deegaamadaa ee sida weyn u  taageeri jiray kooxda  SSC , waxa hogaaminaya Saleebaan Xaglo-toosiye), ayaa  sheegay inay soo ajiibeen baaqii iyo gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland u fidiyay waxgaradka deegaamadda Sool iyo Buuhoodle ee ay sanadii u danbeeyay ka taagnayd colaada soo noq-noqonaysay, isla markaana sababtay khaasaare dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba.
Md. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka hadlay kulamadii ay yeesheen weftigii Wasiirrada xukuumadda ka hor intii aanay Hargeysa soo gaadhin wuxuu yidhi,  “Wasiirradii waxaanu yeelanay kulan runtii qiimo baddan,  anaga oo ah ergada ka timi Buuhoodle iyo weftigii xukuuumada ee wasiirrada ka koobnaa, kulankaasi wuxuu ku dhamaadey guul iyo is afgarasho waxaanuna ka wada hadalney nabad iyo sidii loo soo afjari lahaa colaada ee xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka iyo coladihii soo noqnoqonayay ee ka jirey deganadaas.”
Hase yeeshee Dr. Xagla-toosiye, wuxuu xusay inay  kulan ay dhowaan ku  wada yeesheen madaxweyne Siilaanyo oo uu ku sifeeyay masuul ay ka go’an tahay nabaddu ay soo ajiibeen, , isagoo yidhi,  “Kulankiina guul ayuu ku dhamaadey nabad ayaanu isla qaadanay, sida qodobad nabada u kala horeynayaan iyo waxay yihiinba waxaanu ku sheegi doona hadii Alle idmo fadhiyadayada dambe oo ah kuwo Insha Allaah si dhkhso ah usoo dhamaanayo. Sida aanu Illaahay ka baryeyno kana rajeyneyno inaan xabad dambe dhici doonin dadkaa walaalaha ah, ehelka ah ee kala maarmi Karin in nabad waarta Illaahay nagu guuleeyo, madaxweynaha Somaliland waa masuul ay nabadu ka go’antahay, waana sababta aan u nimi inaan anaguna nabada qaadano.”ayuu yidhi Siyaasiga Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland  Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ku hadlayay magaca weftiga xukuumadda ee soo gelbiyay ergada nabada Buuhoodle,  ayaa hadal kooban ka yidhi socdaalka wefdiga xukuumaddu ugu xil saartay inay ka hortagaan ergadaa, isagoo yidhi,  “ Sida cad ee muuqateyba waxaanu yeelanay weftigii aadka noogu weynaa ee qiimaha leh ee uu Saleebaan horkacayey kulan hordhac ah oo albaabada u xidhan yihiin oo lagaga tashanaayey guud ahaan shaqaaqadii gobolka  Buuhoodle iyo deegaankaaba sidii loo soo afjari lahaa,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiir Duur, isagoo tibaaxaya qodobada laga wadahadlay ee hordhaca ah, wuxuu yidhi, “kulankaasi wuxuu noogu gabo-gaboobay is-afgarad iyo heshiis waxaana laysla gartey labada dhinacba in nabada wax kasta oo ay ku xidhan tahay talaabo kasta oo loo baahdo loo qaado sidii nabad guud loo heli lahaa, is-afgarad iyo wanaag ayey noogu dhamaatey runtii. Talaaboyinka la qaadi doono iyo qaabka wax loo xalindoono arrimaha fadhiyada dambe insha Alla lagu sii lafoguro.”
Talaabadan ayaa ka danbaysay kadib markii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayaa dhowaan dalka Imaraadka Carabta kula kulmeen Saleebaan Xagla-toosiye oo waqtigaa si cad u sheegay inuu qaadanayo nabada ay Somalialnd ku baaqday.
Saleebaan Xagla-toosiye oo ah Dhakhtar u dhashay deegaanka Buuhoodle, isla markaana haysta dhalasho Maraykan ah, wuxuu sanadii u danbeeyay ahaa hogaamiyaha kooxda nabad-diidka ee SSC, wuxuuna dagaalo gaadmo ah kula jiray ciidamada qaranka Somaliland.
Socdaalka isaga iyo wefdigiisa  ay ku qaateen in nabad laga dhaliyo deegaanka, isla markaana xal loo helo tabashooyinka abuuray xiisada colaadeed ee deegaankaa, ayaa la rumaysanyahay inay wax ka bedelayso xaaladii ka jirtay deegaankaa, maadaama uu ahaa xubinta ugu mihiimsan kooxda qurbajooga Buuhoodle iyo Sool ee dhaqaalaha ugu baddan ku bixinayay taageerada kooxda SSC, balse waxa jira qaar ka mid ah saaxiibadii oo u baddan qurbajooga deegaankaa iyo siyaasiyiin fara ku tiris ah oo kasoo horjeeda go’aanka uu qaatay Saleebaan xagla-toosiye, kuwaas oo doonaya ama ay suurta galtahay inay manajaxaabiyaan qorashaha la doonayo in lagu soo afjaro xiisadaha colaadeed ee ka taagnaa deegaankaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *