Egypt (ANN)Telefishanka Al-Jazira, ayaa ku sheegay warar hordhac ah oo sheegaya in laqabtay Max’med Mukaawi Seyful Cadli Almisri oo kamid ah ragga ugu sarsareeya, isla markaana  uguna caansan hogaanka Al-Qaida. Kadib markii laga qabtay maanta  Madaarka magaaladda Qahira. isagoo

 

kasoo laabtay dalka Pakistan.
Hogaamiyaha la qabtay oo ka mid ah shebekada Al-Qaida ee aduunka dagaalada ka wada, ayaa qabashadiisa warar is khilaafsani kasoo bexeen. iyadoo ay wararka qaar   sheegaya in Ninka la qabtay uu yahay Nin u dhashay dalka  Masar. Laakiin aanu ahayn Hogaamiyahaa lagu khalday ee Al-qaida, balse uu yahay Nin  hore u ahaa Korneyl ciidanka Masar katirsanaa horraantii Sideetameeyadii, balse waqtiyadii uu socday dagaalkii  Afghanistan iyo Russia tegey dalka Afganistan si uu ugu qaybgalo dagaalkaa.
Wariye Axmed Zerydaan oo ka tirsan Telefeshinka Al Jazeera,  isla markaana dhowr goor  Afghanistan kula kulmay Seyful Cadli ayaa sheegay  in Ninka laqabtay aanu aheyn Seyful Cadliga uu aqoonta u lahaa, wuuuxna yidhi,
”Waxaa xaqiiq ah in Ninka laqabtay uu yahay Max’med Mukaawi oo ka mid ahaa mujaahidiintii Afghanistan kasoo dagaalantay.  laakin aan katirsaneyn Al-Qaida. Ninkaa la qabtay waa Nin iska caadi ah oo degan Pakistan dowladda Pakistana way ogtahay in aanu Al-Qaida aheyn”ayuu yidhi Axmed Zeydaan oo dhawr goor la  kulmay Seyful Cadli.
Hase yeeshee ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya qabashada ninkaa iyo inuu yahay mid ka mid ah hogaamiyayaasha waaweyn ee Al-Qaida oo lagu magcaabo  Seyful Cadli.
Dhinaca kale hogaamiyaha Al-shabaab Abu Zubayr ayaa waraysi dheer oo uu bixiyay Dec, 2011, wuxuu  kaga sheekeeyay asaaskii Al-shabaab iyo Al-Qadia iyo xidhiidhkii ka dhexeeyay, wuxuuna ku xusay waraysigaa xubnihii Al-Qaida ee ka qaybqaatay dagaalkii Muqdisho ee ciidamadii UNISOM 1992. Isagoo  tusaale usoo qaatay inay raggii ay Muqdisho usoo direen Al-Qaida ka mid ahaayeen  Sh. Yusuf Al Cuyeyri oo sida uu sheegay dhintay iyo Seyful Cadli Abul Xasan, oo ah ninka la sheegayo in la qabtay,  kuwaas oo sida uu sheegay hormood u ahaa dagaalkii sida weyn loogu jebiyay maraykanka ee 1993, ka dhacay Muqdisho.
Dhinaca kale Hogaamiyaha la sheegayo in la qabtay ee ka tirsanaa Al-Qaida Seyful Cadli  (Abul Xasan) Maxamed Ibrahim Makawi Al-Masri ayaa muddo sanaddo ah ku xidhnaa xabsi ku yaal wadanka Iiraan,  balse markii dambe ayaa xabsiga lagasii daayay. Kadib  markii ay Maxaabiis isweydaarsadeen  Iiraan iyo Al Qaida. Waxaana la filayay inuu noqdo Hogaamiyaha shebekada weyn ee Urur weynaha Al-Qaida. Kadib duqayntii lagu dilay dalka Pakistan May,2011 Sheekh Osama Bin Laden, iyadoo la filayay in  loo caleemo saaro  qabashada xilka amiirka Al Qaida. Ka hor inta aan loo dhiibin Iman Al-Dawaahiri oo isaguna u dhashay Dalka Masar.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *