Jigjiga(ANN) Madaxweynaha dawlada Kililka shanaad ee ismaamulka Soomaalida Ethopia Maxamuud Cumar ayaa si weyn u qaabilay Wafti Sare oo ka socday dawladda Somaliland oo booqasho ku tegey caasimada Jigjiga ee Kililka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethopia. Wefdigaa
oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ay xubno ka yihiin Wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, wasiirka wasaaradda Boostada iyo isgaadhsiinta, C/risaaq Khaliif, Wasiirka Wasaaradda Beeraha S/land, C/risaaq Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska S/land Gen, Cilmi Rooble Furre iyo Maayarada gobolada Somaliland.
Wefdiga dhinaca Somaliland ee gaadhay halkaa shalay, waxa xafiiskiisa warbixin kooban oo uu kaga hadlay xaaladda Guud Ee Deegaanka Soomaalida Ethopia ku siiyay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud, isagoo tilmaamay inay Soo Wanaagsanaanayso xaalada Dhinacyada Horumarka Iyo Nabad-gaelyaduba, inkastoo uu xusay in Meelaha Dhibaatadu uga timaado ay ka mid tahay Somalia oo mushkiladi ka taagan tahay.
Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Ethopia Mr. Cabdi wuxuu tibaaxay inay Itoobiya Iyo Soomaaliland isku dan yihiin oo aanay kala maarmin, isagoo tusaale usoo qaatay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya iyo Laamiga Isku Xidha Itoobiya Iyo Soomaaliland ee Dawlada Itoobiya Samaysay.
Madaxweyne Cabdi ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii ay labada dhinac u wada abuuri lahaayeen Xidhiidhka ganacsi oo dhab ah, isla markaana meesha laga saaro ganacsiga sharci darada ah. Sidoo kale waxa uu xusay in xidhiidhka wanaagsan ee dawladiisa iyo dawlada Federaalka ee Ethiopia la leeyihiin Somaliland mid taariikhi ah oo bulshada labada dhinac xidhiidhkoodu yahay soo jireen ah. Sidoo kale wuxuu xusay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xidhiidh wanaagsani ka Dhaxeeyo, balse Ayuu Yidhi Waxaa Jira Shaqsiyaad si xun Ugu Adeega Ururada Nabad-diidka ah oo ka mida S/L.
Madaxweynaha Kililka shanaad wuxuu kusoo dhoweeyay wefdiga Somaliland Calanka qaranka Somaliland oo uu gamcihiisa ku kala bixiyay.
Dhinaca kale Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Wasiiirka Arimaha Gudaha S/L oo Hogaaminayay waftiga ayaa Cadeeyay inay Dawladiisu Ahmiyad Iyo Qadarin Balaadhan u Hayso Dawladda Federaalka Iyo Dawlada Ismaamulka Soomaaliadaba, isagoo xusay in si ay Somaliland u gaadho himiladeedana ay muqadas tahay inay deris wanaag iyo iskaashi kula noolaato jaarkeeda.
sidoo kale Dr. Gaboose waxa uu farta ku fiiqay anay Dawlada Somaliland Hanti Maguurto Ah u tahay Sugidda Amniga iyo xasiloonidu, isla markaana loo baahan yahay in lala jihaado kuwa nabad-diidka ah ee sida uu sheegay carqaladaynaya horumarka labada dhinacba, wuxuuna ka codsaday in laga taageero dhinacyada waxbarashada sida koorasyada waxbarasho, si ay Ardayda Somaliland uga faa’iidaystaan. Sidoo kale in dhinaca Ciidamadda Iyo Qalabka Laga Caawiyo, wuxuuna ka codsay maamulka in Baabuur Somaliland ah oo ku xidhan Kililka Shanaad lasii daayo.
Dr. Gaboose waxa uu amaanay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo ku amaanay dadaalkiisa Dawladnimo, ogolaanshaha iyo soo dhowaynta Wada-xaajoodka Miiska, wuxuuna ksuoo geba-gabeeyey hadalkiisii, “Waa in aynu Caawa abuurno xidhiidh wada-shaqayn,Walaalnimo Ixtiraam iyo Qadarina waanu idiin haynaa, Anagoo aaminsan si Somaliland qaranimadeeda u hesho inaad gacanta aad ka gaysataan ku xidhan tahay inaad noo noqotaan (Ismaamulka Dawlada Jigjiga) , Biriijkii aan u sii mari lahayn dawlada Federaalka.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen.Cilmi Rooble Furre ayaa dhiniciisa cadeeyay inay Gacan Buuxda Ka Qaadanayaan sidii looga hortagi lahaa Nabad-diidka ku wajahan deegaanka iyo gobolkaba, isagoo xusay inay dhamaan Xeebaha Somaliland xidheen oo ay si gaara isha ugu hayaan. waanu Xidhnay Isla Markaana wixii Hadda Ka Danbeeya waanu u Feejignaanahay.
waxyna labada dhinac isla qaateen heshiis dhinaca nabadgelyada iyo ganacsiga ah iyo in gamcaha lays qabsado, iyadoo gebagebadii Waftigii Somaliland Gudoonsiiyeen Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethopia Cabdi Maxamuud Cumar Hadyado ay ugu Talo-galeen.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380