Hargeysa(ANN)Laba qof oo dhalinyaro ah ayaa caawa fiidkii ku geriyoodey xaafadda Cabaaye ee woqooyiga magaalada Hargeysa, kadib markii ay ku dhacday tacshiirad rasaas ah oo uu riday Nin dukaan ku haysta xaafaddaa. Sidaana waxa
shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay dad goob joog ahaa.
Labadan ruux oo ahaa wiil magaciisu yahay Guuleed Muuse Xaaji Cali iyo Gabadh lagu magacaabay Hanna Muuse Xaaji Cumar, ayaa ku naf waayay rasaas ka dhacday qori uu riday Nin dukaan ku haysta xaafadda Cabaye, kaas oo sida ay wararku sheegeen doonayay inuu ku kala dareeriyo kooxo dhalinyaro ah oo ku dagaalamay meherada dukaanka ah horteeda, isla markaana qaarkood dukaanka ugu soo galeen iyagoo ka cararaya kuwii kale. Sidaana uu ku furay tacshiirad rasaas ah, taas oo madaxa ka haleeshay wiilka iyo gabadha ku geeriyoodey oo marayay meel u dhow oo wado ah.
Qaar ka mid ah ehlada dhallinyarada ku nafwaayay rasaasta oo aanu kula kulanay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa dareen cadho ah ka bixiyey geerida naxdinta leh ee ku timi ubadkooda, waxaana warar aanu ka helay saldhiga Booliska Dalloodho ay noo xaqiijiyeen in la soo xidhay Ninkii riday rasaasta ay ku geeriyoodeen labada ruux.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380