Hargeisa(Araweelo News Network) Xildhiban Xusen Ismciil yusuf oo ka tirsan Mudanyaasha gollaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in culimada dalku hor istaageen
xeerka Bangiyada Islaamiga ah, wuxuuna talooyin ka bixiyay muhiimada ay bulshada u leeyihin Banaanka Islaamiga ah (Islamic Bank) iyo baahida loo qabo abuuritaanka Baananka ku shaqeeya shuruucda Islaamka oo uu shegay in ay dhaqalaha dalka waxa weyn ka tarayaan.
Xildhibaan Xuseen, wuxuu tusaale usoo qaatay sida ay uga faa’iidaysteen dalka islaamku, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka heleen maalgalin badan oo la xidhiidha dhinaca warashadaha, Xoolaha, Beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah. Sida macadanta, Kaluunka, isagoo dhinaca kalena iftiimiyay doorka ay abuuritaanka Baananka Islaamiga ah ka qaataan in ay bulshadu shaqooyin ka helaan oo dhaqaalaha dalku kobco.
Sidoo kale Xildhiban Xuseen Ismaaciil Yusuf, wuxuu tilmaamay doorka gole ahaan kaga aadan sidii loo heli lahaa ee dalku u yeelan lahaa Baanan Islaami ah, kuwaas oo u fududaynaya bulsahada in ay maalgalin ka hesho, isla markaana xakamaynaya ribada ay reebtay Diinta islaamka ee suuban.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Somaliland baahida ugu weyn ee taala ay tahay Baan la’aanta, wuxuuna xusay in xeerka Baananka Islaamiga ah ee golaha wakiilada doodiisu hor taalay ay caqabad ku noqdeen Culimada Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay Masjidada oo dhan kaga qayliyay xeerkaa, taas oo sida uu sheegay hakisay xeerkaa,
“waxa jiray xawaalado sida Dahabshiil iyo Salaama oo isu bedelay Bangiyo, balse maaha kuwo ku filan baahida dalka iyo tijaarta dalka, meesha dalku ka kiciwaayayna waa ganacsiga gaarka loo leeyahay, waana in ay siyaasada dawlada ku jirtaa oo qorshe u samaysaa, haddii aan taas la helin waxa imanaya qarax iyo gedood shacbi oo ka dhalanaya shaqao la’aanta iyo mushkilada horumar la’aan.”ayuu yidhi.
Xildhibaan Xuseen waxa uu sheegay in dalku aanu ku horumarayn Miisaaniyadda yar ee kharashka dawlada iyo mushahaarooyinka shaqaalaha, kuwaas oo waxa keliya ee soo raacaa yihiin adeegyada aasaasiga ah. sida Biyaha, wadooyinka, amniga iyo caafimaadka, balse waxa uu sheegay in ay ka yaab ku noqotay waxa 196 dal ee aduunka Baananku uga furan yihiin ee Culimada Somaliland u diiday Baananka ka furan 23 dal oo Islaam ah.
“waa sax in la yodhaahdo Baan aan ribo lahayn ayaa loo baahanyahay, balse waxan weydiinayaa Culimada Somaliland 23-ka Dawladood ee Carbeed way ka furan yihiin Bangiyadu ee maxaynu kaga duwanahay” ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Ismaaciil.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com