Kampala(Araweelo News Network)Ciidamada Amaanka ee dalka Uganda ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar la doonayay in qaraxyo lagaga fuliyo

 

caasimada dalka Uganda ee Kampala. Sarkaal u hadlay Booliska Dalka Uganda oo lagu magcaabo Polly Namaye, ayaa xaqiijiyay dadka la xidhay, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 19 qof oo Soomaali ah.
Dadka la xidhay ayaa lagu eedeeyay in ay maleegayeen weerar ka dhan ah Uganda, kuwaas oo la xidhay Axadii todobaadkan. Akdib markii laga qabtay hotel u dhow meesha lagu magcaabo Kisenyi oo ah meelaha Soomaalidu ku badantahay.
Sidoo kale Lt. Col. Paddy Ankunda oo u hadlay Milateriga Dalka Uganda ayaa sheegay in dadka la qabtay looga shakiyay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab, isla markaana looga cabsi qabo in ay wadeen hawlgalo ka dhan ah amaanka Uganda.

Dhinaca kale dawlada Maraykanka ayaa ka digtay weeraro ka dhan muwaadiniintooda Bariga Afrika iyo weeraro lala beegsado Safaaraddaha ay ku leeyihiin dalalka Geeska Afrika, waxayna digniin Safaarada Maraykanka ee Uganda soo saartay habeenimadii Isniinta ku sheegtay sida ay suurta gal u tahay in muwaadiniintooda lala beegsado weeraro ka yimaada Al-shabaab.

Hase yeeshee Xarakada Al-shabaab ayaa beenisay weerarka ay sheegeen in ay fashilyeen Ciidamada Uganda, Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ku tilmaamay warka dawlada Uganda mid dacaayad riqiis ah oo laga leeyahay ujeedo kale.

Si kastaba ha ahatee waxa jira cabsi laga qabo in Al-shabaab ka fuliso weeraro meelo ka mid ah Mandaqada iyo dalal kale, waxayna cabsidani kusoo beegantay todobaad ka dib markii ay hanjabaado kulul oo ay ku tilmaameen Aargoosi soo saareen. Kadib markii 1 Sep 2014 la dilay Hogaamiyohoodii oo lagu khaarajiyay weerar ka dhinaca Cirka ah, waxayna wacad ku mareen in ay u aargudayaan oo dhiig badan u daadin doonaan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *