Hargeysa(Araweelo News Network)Ergayga wakiilka uga ah Somalil iyo Somaliland Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay, ayaa lagu soo dhaweeyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa
kadib markii xukuumaddu u fidisay martiqaad, iyadoo hore looga mamnuucay Somaliland, taas oo ay sabab u ahayd khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay socdaalkii u horeeyay ee uu Somaliland ku yimaado.
Mr. Nicholas Kay ayaa ka soo degay maanta madaarka diyaaradaha ee Hargeysa saaka kadib markii uu ka soo kicitimay magaalada Garowe ee maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu xalay u hoyday kadib markii uu booqasho ku tegey shalay halkaa.
Wakiilka Qaramada Midoobay waxa soo dhaweeyey Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Somaliland iyo ergayga Qaramada Midoobay ka wadashaqaynayaan arrimaha bani’aadanimom wuxuuna xusay in uu la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland.
Nicholas Keym waxa Somaliland laga mamnuucay 13 June 2013. Kadib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland booqashadii u horaysay ee uu ku yimaado Somaliland oo ay isku fahmiwaayeen xukuumadda Somaliland xafiiska qaramada Midbooy ee Siyaasada oo uu doonayay in Hargeysa laga furo.
Sir. Nicholas Kay oo ah Dublamaasi sare oo u dhashay dalka Britain waxa uu bedelay wakiilkii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga, kaas oo shaqadiisa dhamaatay bisha Juun ee sanadkan 2013, wuxuuna markii u horaysay booqasho ku yimi Somaliland 13 Jun 2013, balse waxa booqashadiisa u horaysay sababtay in xukuumadda Somaliland ka mamnuucdo dalkeeda.
Hase yeeshee dhowaan ayay kulan ku yeesheen Madaxweyne Siilaanyo oo safar kaga maqnaa dalka, waxaana lagu martiqaaday Somaliland, balse ma cada in laga heshiiyay sabtii dhalisay khilaafka hore ugu dhexeeyay, waxase la dhawrayaa waxa kasoo baxa kulanka uu Madaxweyne Siilaanyo la yeesho 19 August 2014.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com