Mogadishu(Araweelo News Networka)Ciidamada dawlada Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM, ayaa la wareegay Degmada Wadjir. Kadib dagaal saaka ka bilawday halkaa oo u dhexeeyay Ciidamadaa iyo malayshiyada Gudoomiyihii hore ee Wadajir Axmed Daaci oo fadhiisin muhiim ah ku lahayd halkaa.

Dagaalka, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba soo gaadhay oo aan tiradiisa la ogayn, ballse waxa jira warar laga helay saraakiisha caafimaadka oo sheegaya in dhawr iyo toban qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen kuwo kalena ku dhinteen.

Saacado badan ka dib waxa Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM u suurta gashay in ay qabsadaan guriga uu deganaa Axmed daaci iyo fadhiisinkii malayshiyadiisa. Kadib markii loo awood sheegtay.

Axmed Daaci iyo malayshiyadiisa ayaa u baxay dhinaca Jaziira, waxaana laga cabsi qabaa in ay weeraro soo qaadaan.

Hogaamiye kooxeedka loo awood sheegtay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerar aanu filayn lagu soo qaaday gurigiisa, wuxuuna xusay in uu is difaacayo oo dagaalka sii wadi doono.

Dawlada Somalia ayaa maalmihii u danbeeyay bilawday olole ay doonayso in ay hubka kaga ururiso malayshiyaadka hogaamiye kooxeedyadii mudada dheer ka talinayay magaalada Muqdisho iyo deegaamada kale ee u dhow, wuuxuna Dagaalka saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho saamayn ku yeeshay xaalada amaanka oo awalba liidatay, iaydoo uu xaalada u bedelay mid colaadeed oo cabsi ku abuuray bulshada degan magaalada Muqdisho oo mudooyinkan aan arag dagaaladan oo kale wixii ka danbeeyay markii ay Al-shabaab iskeed uga baxday magaalada Muqdisho 2012, marka laga reebo weeraro gaadmo ah iyo dilalka qorshaysan ee ay weli ka filayaan Muqdisho.

Araweelo News Network

Mogadisho
Somalia
Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *