Hargeysa(Araweelo News Network) Wiil yar oo qiyaastii laba jir ah, ayaa maydkiisa laga helay saaka Degmada Axmed Dhagax ee Koonfurta Magaalada Hargeysa.

Dadweynaha xaafada ayaa kusoo ururay Maydka Wiilkaa yar oo Lebis quruxbadan loo soo xidhay. Kadibna la dhigay Laag Biyuhu maraan oo qashinka lagu daadiyo (Xaar-wada), taas oo ku taal meel Xaafada Faarax Nuur ee waaxda Axmed Dhagax.

Dad goobta tagey, ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network, in Wiilka yar oo dirays qurxoon loo soo xidhay laga helay goobtaa oo qashin ka buuxo, waxayna sheegeen in Maydka wiilka yar u muuqday in muddo lagu hayay Talaagad, ama qaboojiye, taas oo ay ugu maleeyeen sida uu muuqaal ahaan jidhkiisu u tawafay, ama u qalalay.

Dadka goobta tegey ayaa ka argagaxay markii ay arkeen maydka wiilkaa yar oo aan la aqoonsan, waxayna sheegeen in meelaha qaar nabaro ka muuqdeen sida qoorta iyo meelo kale, balse ciidanka Booliska ayaa xili danbe goobta tegey oo qaaday maydka wiilkaa yar.

Xildhibaan Ibraahin Geydh Faarax oo degan xaafada, isla markaana ka mid ahaa dadka goobta tegey, ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in la doonayay in maydka wiilkaa yar daadku qaado, maadaama ayuu yidhi habeen hore roob tiix ah magalada meelaha qaar ka da’ay oo la filayay in daad soo maro laagta qashinka lagu qubo.

Maydka Wiilka Yar ayaa ka argagixiyay dadweynaha xaafada, waxayna dadku hore u arki jireen ama ay maqli jireen ilama yar oo dhashay oo la tuuray, ama Bac lagu soo riday oo goobahan oo kale la dhigo, kuwaas oo qaarkood loogu yimaado nolol, balse Ilamahan yar dadiisa ayaa ka weyn kuwii sidan oo kale loogu tuuri jiray goobaha qashinka, ama meelo kale, isla markaana waxa loo soo xidhay lebis qurxoon iyo Xafaayad, wuxuuna muuqaalkiisu u muuqday in muddo lagu hayay qaboojiye, iyadoo aan la xaqiijin in wax ka maqan yihiin jidhkiisa iyo xubnihiisa, balse lagu arkay nabaro, taas oo u muuqata dhacdo ku cusub bulshada Somaliland.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *