Hargeysa(Araweelo News Network) Kaalmaha Shidaalka lagu iibiyo ee Hargeysa, ayaa kordhiyay qiimaha shidaalka maalmihii u danbeeyay, iyagoo kordhiyay shidaalka gaar ahaan batroolka 5 %, iyadoo 5.Ltr ee Batroolka ah halkii

 

ay ka ahayd $ 5 dolar lagu kordhiyay $ 0.5 dolar, taas oo dadka gadiidka wata saamayn ku yeelatay, isla markaana laga cabsiqabo in ay saamayn ku yeelato maceeshada.

Qaar ka mid ah Kalamaha shidaalka ee magaalada Hargeysa, ayaa qariyay in ay iibiyaan Batroolka, iyagoo qorshaynaya in ay qiimaha intaa kasii kordhiyaan, waxayna dadka u sheegayeen in aanay hayn shidaal, gaar ahaan Batroolka oo ay qiimihiisa kordhiyeen maalmihii u danbeeyay.

Dadka Kaalamaha ku iibaya shidaalka oo kasoo iibsada Haamaha Shidaalka ee ay maamusho Shirkada HASS, ayaa ku doodaya in sababta ay qiimaha Batroolka u korhdiyeen ay tahay kadib markii dhowaan Shirkada HASS  ee keenta Shidaalku kordhisay qiimaha Foostada Batroolka oo halkii markii hore ay ka ahayd $178 dolar, ay ka dhigtay $192, taas oo noqonay in lagu kordhiyay $14 Foostada.

Lama garanayo sababta keentay in qiimaha intaa leeg ay shidaalka mar keliya loo kordhiyo, taas oo saamayn ku yeelan karta ganacsiga kale iyo maceeshada daruuriga ah.
Qiimaha ashcaarta iyo shidaalka ee suuqyada Somaliland maaha mid la haysta dunida inteeda kale iyo sayladaha aduunka, isla markaana ma jirto cid kaantaroosha, balse waxa uu gacanta ugu jiraa oo maashusha shirkadha iyo ganacsatada, kuwaas oo qaab khiyaamooyin ah u iibiya badeecadaha iyo waxyaabaha ay dalka keenaan oo qiimaha ay doonaan siiya.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
Hargeysa somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *