Riyaad(Araweelo News Network) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan oo mudooyinkan ku sugnaa Dalka Boqortooyadda Sucuudiga ayaa noqday

 

masuulkii u horeeyay ee ka socda Xukuumadda Soomaliland iyo xukuumaddihii ka horeeyay ee soo mara Somaliland ee ay qaabilaan Qoyska Boqortooyadda Al- sacuud.

Wasiirka Madaxtooyadda oo ay weheliyaan Wakiilka Somaliland ee Jidda iyo xildhibaan ka tirsan Golaha wakiiladda Somaliland ayaa lagu qaabilay Qasriga Boqortooyadda Sucuudiga, waxaana wasiir Xirsi kusoo dhoweeyay halkaa Amiir Cabdiraxmaan Binu Cabdulcasiis Al Sacuud oo ka mid ah Amiirada leh dhaxaltooyada oo ay walaalo yihiin Amiirka Sucuudiga ee xukunka haya Amiir Cabdalla Binu Cabdulcasiis.

Amiir Cabdiraxmaan Binu Cabdulcasiis Al Sacuud iyo Wasiirka Madaxtooyadda ayaa ka wada hadlay arrimaha xidhiidhka Somaliland iyo Boqortooyadda Sucuudiga sida ay sheegayaan ila wareedyo ka ag dhowaa kulankaa oo muuqaalo sawiro ah oo ay wada galeen Amiirka iyo wefdiga wasiirka madaxtooyadda Somaliland loo soo gudbiyay saxaafadda.

Wasiir Xirsi, ayaa sida xoggahaasi sheegayaan u qadimay Amiirka waxyaabaha ay qabsatay Somaliland iyo horumarka ay samaysay mudadii ay Somalia ku jirtay burburka ay weli ku jirto iyo jaah wareerka siyaasadeed, wuxuuna Amiieku balanqaaday in ay wixii ay qabankaraan la qabanayaan Somaliland, iyadoo kulanka lagu soo qaaday, isla markaana ay si qotodheer uga wadahadleen Wasiirka iyo Amiirku dhinacyada xidhiidhka fog ee ka dhexeeyay ee ganacsi iyo walaalnimo ee labada dal iyo sida ay lagama maarmanka u tahay in waqtigan dhinacyada diblumaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee ay wadaagan labada dal ee Boqortooyadda Sucuudiga iyo Dalka Somaliland wax badan laga qabto.

WasiirkaMadaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Sucuudiga, wuxuu kulamo la yeeshay jahliyaddaha Somaliland ee degan halkaa oo ah kuwa ugu taariikhda fog dalka Boqortooyada Sucuudiga, wuxuuna kulamadaa kaga dalbay qaadhaan loo ururinayo wadada isku xidha Ceergaabo oo xarun u ah Gobolka Sanaag iyo gobolada kale ee Somaliland, waxaana kulanka wasiirka ee lagu qaabilay qasriga Boqortooyadda Sucuudiga ku weheliyay xiladhibaan Cbadullaahi Balcki iyo Wakiilka Somaliland ee Sucuudiga Cabdala Musa Kuwati iyo Wakiilka Somaliland Ee Makkah Safiir Ahmed Adan Dagaaal (Safiina) .

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *