Hargeysa(Araweelo News Network)Febuary 2013, ayaa wiilkaa uu dhalay Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo magaciisu yahay Xuseen Faysal Cali Waraabe iyo

 

haweenay xaaskiisa ah oo u dhalatay Gobolka Wajeer ee Kenya ciidamada Amaanka Somalilland ku hakiyeen Magaalada Laascaanood iyagoo doonayay in ay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Dalka Kenya, balse waxa xiligaa soo baxay warar socdaalkooda shaki geliyay oo ka imanayay qoyskooda, kuwaas oo sheegayay in ay Xuseen Faysal Cali Waraabe iyo xaaskiisu qorshaysteen in ay ku biiraan Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Somalia.

Hase yeeshee maalmihii u danbeeyay waxa soo baxayay in Xuseen Faysal Cali Waraabe oo la Baxay magaca (Abu Shucayb) uu ka mid yahay kumanaan dhalinyo ka soo haajiray dalalka Maraykanka, Yurub iyo kuwo wadamada Carabta ee dhinaca Khaliijka ka tegey ay ku biireen Jabhada ISIS ee suniyiinta dagaalka kula jira Dawlada Ciraaq.

Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe oo Idaacada BBC-da laanteeda Af-soomaaliga u waramay ayaa xaqiijiyay joogitaanka Wiilkiisa ee Ciraaq, wuxuuna tilmaamay in uu ahaa markii yaraa iyo dhalinyaranimadiisii mid jecel Diinta, wuuxuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Wiilku waa Wiilkaygii Illaahay Mahadii, wuxuu ku dhashay Xuseen Dalka Filand 1992,  sadexdii sanadood ee u danbeeyay, wuxuu ku mashquulsanaa Salaada Cibaadada iyo Barshada Diinta, wuxuuna mar walba joogay Masjidka, Runtii farxad ayay ahayd ilama yar oo Yurub jooga inaad sidaa ku aragto.”

Faysal waxa uu sheegay in Febuary 2013, ayaan Hargeysa ku aragnay isagoo dhuumanaya oo ay wada socdaan gabdhaa, waanu u guurinay, waxaana ka reebay Baasabooradii oo aanu xawaalada Mustaqbal u dhiibanay, waxaana ku balamiyay Ilaaladayda, waxaana u sheegay in aan ka shakiyay socdaalkiisa iyo in aan uga shakiyay in ay doonayaan in ay ku biiraan Kooxaha Somalia, Balse way baxsadeen isaga iyo gabdhii iyagoo u baxay dhinaca Garoowe” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe oo sharaaxad ka bixinayay wiilka uu dhalay eek u biiray kooxda ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq.

Dagaalada ka socda Ciraaq iyo Suuriya, waxa hore ugu biiray kumanaan Soomaali ah oo ay ku jiraan haween, kuwaas oo ka kala yimi Dalalka Yurub, Maraykanka iyo Dunida Carabta gaar ahaan wadamada Khaliijka iyo weliba Bariga Fog ee qaarada Asia.

Warbixin la shaaciyay December2013, ayaa lagu sheegay in ku dhowaad Toban kun oo dhalinyaro u badan Muhaajiriin ka kala yimi dhawr iyo labaatan dal oo dunida Islaamka ah ay hawlgalo qaraxyo ismiidaamin ah ku waayeen nafahoodii dagaalada ka socda Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo ka barar dagaalamayay Islaamiyiinta doonaya in ay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Bashaar Al ASAD iyo dawlada Nuur Al Maaliki ee Ciraaq.

Dadka ku jira tirada Liiska la shaaciyay xiligaa oo sheegayay dhlinayaro ka  bar-bar dagaalamayay kooxaha dawladaha  Suuriya  iyo Ciraaq ku kacsan ee lagu magcaabo  islaamiyiinta Shaam iyo Jabhadda Al-nusrah oo labaduba ka mid ah kooxaha lala xidhiidhiyo shebekadda Al-Qaida ayaa lagu oggaaday in tirada Soomaalida isku qarxisay hawlgalo ka dhacay dalalkaa in ay aad uga badantahay marka loo eego wadamo badan oo carbeed, ama kuwa kale ee Islaamka ah, waxaana weli muuqata in ay Soomaalidu ku sii qul-qulayaan Ciraaq iyo Suuriya si ay qayb uga noqdaan dagaalada ay wadaan Islaamiyiinta la baxay Shaam iyo Jabhadda Al-nusrah.
info@araweelonews.com
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *