askariga Yuhuudiga ee la qabtay

Tel Aviv (Araweelo News Network)Milateriga Israeli ayaa xaqiijiyay in 22 ka mid ah askartooda ay ku dhinteen tan iyo markii uu bilaabmay hawlgalka Gaza. Sidoo kale

 

waxay sheegeen in ay ay jiraan kuwo dhaawac ah, Israel waxay diideen ay jiraan Askar lagaga qabtay dagaalka, balse markii ay ku warhaleen Askari lasoo bandhigay oo ay xoogaga wax iska caabinta Falastiin warbaahinta iyo shaashadaha kusoo bandhigeen.

Dhinaca kooxaha wax iska caabinta ee Hamaas oo loogu yeedho Al-Qassam Brigades, ayaa sheegay in ay tan iyo Axadii markii Ciidamada Israel bilaabeen hawlgalada duqaynta shacabka ay dileen 40 ka mid ah Askarta Israel, isla markaana ay nolol ku qabteen Askari lagu magcaabo Shauwl Aron.

Iyadoo xoogaga Falastiin weerar ku qaadeen 4 ka mid ah Taangiyada Israel ee loo yaqaan Merkava, kuwaas oo marayay bariga Gaza. Sidoo kale Qasaam, waxay sheegeen in Hamaas ilaa 50 gantaal ku garaacday Magaalooyinka Tel Aviv, Yavne, Gadara, Ashkelon, Ashdod, isla markaana ay magaalooyin kale garaaci doonaan sacadaha soo socda, balse ilaa hada ma cada khasaaraha ka dhashay gantaalaha ay Hamaas ku garaacday magaalooyinka Yuhuuda.

Dagaalka khasaaraha ugu badan ka dhashay ayaa maanta ka dhacay  xaafada Shejaiya ee bariga Gaza oo ay ku dhinteen ku dhowaad 70 falastiiniyiin ah. Tan iyo intii duqayntu ka bilaabantay Gaza oo gaadhay laba todobaad waxa ku dhintay 508  qof, iyadoo in ka badan  3,000 qof oo haween iyo caruur ah ay ku dhaawacmeen, welina waxa socda weerarka gantaalaha Cirka Badda iyo weeerarka dhulka Israel oo ay in ka badan labaatan kun oo qof guryohoodii ka carareen kadib markii lagu khasbay in ay ka baxaaan.

Golaha amaanka ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xasuuqa ka socda Gaza ee ay indhaha ka qarsadeen beesha caalamku, balse ma muuqato natiijo la saadaalinayaa in ay kasoo baxdo kulanka golaha amaanka.
Kumanaan ka mid ah mujtamaca aduunka oo ka murugooday xasuuqa lagu hayo dadka reer Falastiin ayaa usugu soo baxay magaalooyin waaweyn oo dunida ah, waxayna ku baaqeen in wax laga qabto xasuuqa bahalnimada ah ee Israel ka wado Gaza, magaalooyinka sida weyn looga sameeyay debed-baxyada lagu diidanyahay duqaynta iyo xasuuqa Israel ka wado Gaza, wax aka mid ah Netherlands, Austria, Chile, Lebanon, Jordan, Turkey, Britain, Morocco, Bolivia, Australia iyo kuwo kale oo dacalada dunida ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *