Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa maanta deeq lacageed oo dhan $100,000 dollar ku wareejiyey
Gudoomiyaha Dhismaha Wadada Baligubadle Ilaa Hargeysa.
Wafti balaadhan oo ay hogaaminaayeen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha bulshada, Maareeyaha Wadooyinka, Xildhibaan Nacnac iyo Xildhibaan Kijaandhe, Gudidada Wadada Baligubadle ilaa Hargeysa.
Munaasibad Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi ku wareejiyay deeqdaa lacagta oo dhan $100,000 Dollar Gudoomiyaha Dhismaha wadada Baligubadle ilaa Hargeysa, wuxuu Wasiir Xirsi ka sheegay munaasibadaa in himiladoodu tahay in ay mar walba ka dhabeeyaan dhismaha iyo taabogelinta Wadooyinkii uu madaxweynuhu dhagaxa dhigay.
Gudoomiyaha Gobolka Baligubadle ayaa bulshada ku baraarujiyey in ay u sii baneeyaan wadada ku soo foolka leh, isagoo ka waramay faa’idada ay wadadu leedahay, wuxuuna ugu baaqay Bulshada qurbajooga gobolka iyo dadka deegaanka in ay qaybtooda ka qaataan, wadada dhismaheeda oo uu sheegay in ay tahay mid Qiimo aan la qiyaasi Karin ugu fadhida Deegaanka iyo Gobolkaba.