Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa digniin u jeediyay maamul goboleedka Puntland oo uu tilmaamay inuu hanjabaado aan
ficil lahayn ku hayo Somaliland.
Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirweynaha Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye oo maanta ka furmay Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, waxa uu ka hadlay ujeedooyinka loo aasaasay xisbiga Kulmiye, waxyaabaha ay qabatay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee kasoo jeeda xisbul xaakimka mudadii dhawrka sadexda samnadood ahayd ee ay talada haysay.
Sidoo kale Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu khudbadiisa ku sheegay ujeedooyinkii laga lahaa halgankii dalka loo soo maray iyo dhibaatooyinkii iyo xasuuqii Taliskii Maxamed Siyaad Bare u geystay shacbiga Somaliland.
Halkan ka dhegeyso khudbada Gudoomiye Muuse Biixi Riix.