xayirtay, wuxuuna sheegay in wargeyska Haatuf ay dacwad ka gudbiyeen Wasiirrada Daakhiliga iyo Macdanta, kadibna Maxkamada Gobolku amarka xayiraada soo saartay.
Xeer-ilaaliye Xasan oo warbaahinta uga warramay xayiraada Wargeyska Madaxa-banaan ee Haatuf, waxa uu tilmaamay in xukuumadda Somaliland aanay saxaafadda ku degdegin ilaa ay dambi ku helaan, isagoo yidhi,“Wax ka dacwooday Wasiirrada Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Macdanta, waxaanay ka dacwoonaayeen in aflagaadiyo beem-abuur laga sameeyey, waxa kale oo laga dacwoonaayey in Wasaarada Arrimaha Gudaha dadkii la kacinaayo oo wax been ah oo aan jirin la abuuraayo oo lagu gilgilanaayo dano kale. Yuusuf Cabdi Gaboobe lama xidhin iyo yarka tifaftiraha ka ah, waxaana dacwadooda loo gudbiyey Maxkamadda, waxaanay codsadeen in xayiraad la geliyo wargeyska.”
Xeer-ilaaliyaha Guud waxa uu intaa ku daray xukuumadiisu ka warwareegto xadhigga Saxaafadda, isla markaana ay ku dadaasho sidii ay u kori lahayd, “Runtii xukuumadda aan la shaqeeyo waxa weeye in aan xadhiggu noqon waxa ugu horreeya ee aannu ku hagayno Saxaafadda. Saxaafadeenuna waxay u baahan tahay hal-abuur, inay korto oo laga yaabo inay dagaallo sokeeye iyo burbur ka soo doogtay, mabda kaliya ee aanu leenahay waxa weeyaan in aan waaran la’aan lagu xidhin saxaafadda markay noqoto halka ugu dambeeya,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Aadan.