Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah, ayaa qormadiisa toddobaadkan ee Dharaaro Xusuustood ku soo qaatay kulan taariikhi ah oo 19kii bishii May 1960-kii ku dhexmaray
magaalada Addis Ababa ku wefti ka socday Somaliland iyo Boqork Haille Salassie ee xilligaas xukumi jiray Itoobiya.
“Waa maalin Khamiis ah, saacaddu waa shantii galabnimo, taariikhdu waa 19-kii bisha May sannadkii 1960kii. Goobtu waa gurigii Boqortooyada Itoobiya ee magaalada Addis Ababa. Waa kulan laba dhinac ah oo dhexmaray Haybadleh Boqor Haille Salassie oo ay waheliyaan wasiirradiisu oo ay ka mid yihiin laba Wasiir-ku-xigeen oo Soomaali ahaa
Dhinaca kale, waa afartii wasiir ee reer Somaliland ee la soo doortay oo uu hoggaaminayo marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, saddexda kale oo ahaa marxuum Cali Garaad Jaamac, marxuum Xaaji Ibraahim Nuur iyo mudane Axmed Xaaji Ducaale.
Afarta wasiir waxay bishaas May shanteedii heshiis kula soo galeen Boqortooyada Midawday (UK) magaalada Londhon in Somaliland ay xoriryaddeeda qaadato bisha Juun 26-keeda, isla sannadka 1960. Dabadeed, waxay socdaal ku tageen magaalada Muqdisho oo ay halkaas wada-hadal kula yeesheen madaxda dalkaas Soomaaliya, kadibna waxay yimaaddeen Addis Ababa oo kulankani ka dhacayo. Qolo waxay ku hadlaysaa Af-soomaali, qolada lalena Af-axmaar. Waxa u kala tarjumayaa Wasiir-ku-xigeennada Soomaalida ah ee reer Itoobiya.
Haybadle (His Imperial Majesty) Boqor Haille Salassie: ayaa hadalkii furay oo yidhi; “Waa ku faraxsan nahay inaannu idinku qaabilno halkan maanta. Waa idiin furan yahay ee ku soo dhowaada.”
Marxuum Maxamed Xaaji Cigaal ayaa isna halkaas ka yidhi; “Waxaan muddo dheer sugaynay in aannu mar uun kula kulanno oo kula hadlo. Waayo, Haybadle, marna adiga toos uma aynaan wadahadlin, haddii aannu Sooomaali nahay. Warar qaldan ayaa la isaga keen gudbin jiray. Haddii nasiib-wanaag aynu kulannay markii u horreysay, waxaannu kuu caddaynayaa inaanay jirin wax colaad ah oo dhinaca Somaliland lagaga qabaa. Maanta waxaan u nimi inaannu ku aragno, waxaannu aaminsan nahay, in kulankani bilaabi doono xidhiidh wanaagsan oo dhexmara labadeenna dal iyo dadkooda. Danteenna ayaa ku jirta in xidhiidhkeennu ahaado mid wanaagsan.”
“Waxa aannu dhowaan noqon doonnaa dal madaxbannaan, markaa waxa aannu kuugu nimi inaad gacan nagu siisid sidii aan u dhisi lahayn dalkayaga, inuu noqdo mid dhab ahaan u madax bannaan.
Haybadle waxa jira dhul loo yaqaan Haud and Reserve Area (Hawd iyo Riseerf eeriya) oo ay degaan dadkayagu sannadkii inta badan, dhulkaas oo gacantiinna ku jira. Dadkaasi ma xukumi karno, haddii dhulkaas ay degaan aannu gacantayada ku jirin.
Sidaa darteed, waxa aannu ka codsanaynaa Haybadle inaad gacan nagu siisid sidii aad noogu soo wareejin lahayd dhulkaas marka aannu gobonnimayada qaadanno. Halkan imaatinkayagu ma ah inaannu wax idinku qabsanno ee dal Afrikaan ah oo aannu walaalo nahay ayaanu jeclaysany in aannu codsigan u gudbinno. Waxaannu ku kalsoon nahay in wax qoomamo ahi kaga iman doonin dal soo koraya oo aad gacan qabato.
Haybadle dadka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeen abaal ayey kuugu hayn dooonaan gacan-qabashadaas. Sidoo kale, dadka reer Afrikana waa ay soo dhowayn doonaan.
Haybadle dalkaagu waa dawladda ugu fac weyn dalalka Afrika, sidaas awgeed gacan ayaad na siin kartaa, oo wax baad ka qaban kartaa baahidayada. Afrika waa isu imanaysaa waxa hoggaamin doonaa ciddii gacan qabta oo kalmaysa dalalka xorriyadoodu cusub tahay ee hadda gumaysiga ka xoroobay.
Maanta haddii aad na taageerto waxaad ku guulaysanysaa jacalyka iyo ixtiraamka dadka reer Afrika, arrintaas oo sida aan u arko ka mudan oo kaaga qiima weyn Boqornimada Itoobiya keligeed. Hadalkayagu maa aha mid afka baarkiisa ah, waa mid ka soo go’ay kashka iyo wadnaha. Wixii aad na tidhaahdidna sidaas oo kale ayaan u qaadanaynaa.
Haybadle arrinta furaheedu gacantaada ayuu maanta ku jiraa, waxa aannu u dheg taagaynaa go’aankaaga” (La soco waxa saaxiibaddii ku dareen qoraalka dambe).”