fanaanka Maxamed Saleebaan oo sariirta jiifa ka hor geeridiisaBerlin(Araweelo News Network)Alla ha u naxariistee waxa goordhaweyd dalka Germany ku geeriyooday fanaankii weynaa ee caanka ka ahaa geyiga Soomaaliyeed Maxamed Saleebaan Tubeec.

Marxuumka ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku jiray Cusbitaal ku yaal dalka Germany kadib markii xaalad caafimaad daro soo waajahday, waxaana loo sameeyay qaliin, kaas oo sabab u noqday  geerida marxuumka.
Bulshada Soomaalida ayaa mudadii uu xanuunsanayay naxariis, waxayna ka murugoodeen xaalada fanaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec oo ahaa Fanaaniinta magaca iyo maamuska ku lahaa guud ahaan dhulka ay Somalidu degto, isla markaana masraxa fanka Soomaalida looga yaqaanay Boqorka Codka fanaaniinta Soomaalida.
Alla haa u naxariisto Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxuu taariikh facweyn oo aan lasoo koobi Karin ku lahaa fagaarayaasha fanka Mujtamaca Soomaalida.
Bahda Shebekaddaha Arraweelo News iyo Araweelo News Network, waxay iyagoo ka tiiraanyaysan uga tacsiyaynayaan Bulshada Soomaalida geerida Fanaanka, waxayna si gaar ah ugu dirayaan Tacsi Qoyska uu ka geeriyooday, asxaabtiisa iyo bahda fanka, waxayna Illaahay uga baryayaan marxuumka inuu u danbi dhaafo oo jannadii Fardawsa ka waraabiyo iyagana Samir iyo Iimaan sareecana ka siiyo.
Amiin Amiin Amiin.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *