Geddo(Arraweelo News)Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ilaa shan magaallo oo Istaraatiiji ah ay kala wareegeen xarakada al-Shabaab. Kadib dagaalo ka socday
deegaamadaa maalmihii u danbeeyay.
Ciidamada Ethiopia oo hogaaminaya huwanta ciidamada AMISOM, ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaamada Rabdhuurre, Xuddur iyo Buur-Dhuubo, kuwaas oo ka tirsan gobolada Bakol iyo Geddo ee Koonfurta Somalia.
Xarakada Al-shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin sheegashada guusha ciidamada AMISOM, balse waxa lagu baahiyay qaar ka mid ah shebekadaha taageera Al-shabaab in laba ka mid ah deegaamadaa ay qirteen in laga saaray, kadib khasaare kasoo gaadhay ciidamada huwanta ee Ethiopia oo hogaaminayay AMISOM. mana jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya xaqiiqda waxa ka jira halkaa iyo xaaladu sida ay tahay.