imagesLandon (Araweelo News Network) Madxaweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo socodaal ku marayay dalalka France iyo  Brittan  labadii todobaad ee u danbeeyey ayaa la filyaa in uu kusoo

 

laabto dalka maalmaha soo socda .sidaana waxa shebekada wararka ee Arraweelo News u sheegey dad ku dhawdhow waftiga Madxaweynaha Soomaliland oo maalimihii u danbeeyey  ku sugnaa magaalada London ee xarunta wadanka Britan .

Wararka la xidhiidh safarka Madxaweynaha ayaa tibaaxaya in fasixiisa oo ahaa mudo bila oo ay u qorsheysanad in uu ku soo qaato magaaloyinka  London iyo Paris,  isagaa warbaahinta u sheegey ka hor intii aanu ka anbabixin  laba todobaad ka hor magaalad Hargeysa in u jeedada  socodaalkisu yahay fasixiisii sannad laha ahaa, isla markaana uga faa,iideysanyo  in uu soo maro dhowr wadan oo uu hawalo qaran iyo hawlo caafimad oo shaqsi u tagyo

Hasayeeshe Madxaweyne Siilaanyo  ayaa la filyaa in uu soo gabgabeeyo u jeedada safarkiisa ka dib markii uu soo baxay khilaaf hor leh oo mar kale gollaha wakiilada dib uga bilowdey,  kaas oo ka dhashay inqilaab sharciyaysan oo gudaamiyaha gollaha wakiiladu ku sameeyey hogaaminta golaha ee shir gudoonka .ka diba markii uu ka ansixiyey xeer hoosadka golaha oo is bedel lagu sameyey .kaas oo meesha ka saaraya awoodda hogmineed ee labada ku xigeen ee shir gudoonka baarlamaanka, isla markaana awooddii gollaha iyo hogaamintisii ku ururiyey gudoomiyah golaah Abdirahman Cirro , oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee wadani .waxayna wararka la xidhiidh ujeedada sababta MadxaweyneSiilaanyo u soo gabgabeeyey safarkiisa ay sheegayan in ay sabab u yihiin arrimaahaa iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin khilaafka xisbiga kulmiye oo hore Madxaweynuhu guddi u ugu saaray intii aanu dalka ka anbo bixin .balse aan wali wax natiijo ah laga gaadhin.

Madxaweynah Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  intii uu ku sugnaa dalka farnsiiska wuxuu  la kulmay diblumansiyiin .masuuliyiin ka tirsan dawlada faransiska iyo qaar ka mid madxada shirkadaha  waaweyn ee dalkaa. Sidoo kale wuxuu  intii uu ku suganaa magaalada London booqaday isbitaal ku yaal Liverpool  oo uu ku jiray walaalkii Jaamac Bureeqa oo ka mid ahaa Odayaashii halganka oo degan halkaaas,balse ma cada in Madxweynuhu la kulmay dhakhtarkisii oo uu sheegey in uu soo marayo, waxase wararka la xidhiidh safarkiisu ay xaqiijinayaan in uu maalinta khamiista ee todobaadkan ku soo laabandoono  dalka ,
Axlaam Maxamed

 

araweelonews01@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *