Dubai(Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa heshiish la gashay shirkadda Diyaaradaha ee Al-Arabia oo ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn, isla markaana ugu caansan dalalka Khliijka, kaas oo
la filayo inuu wax weyn ka taro dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka Somaliland.
Wasiirka Duulista iyo Hawada Jamhuuriyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Wasaarada Ganaciga iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar oo maalmahan ku sugnaa dalka Imaaraadka ayaa kulamo ay wada yeesheen madaxda shirkadaa waxay Heshiis la galeen shirkada Duulimaadyada ee Carabiya Airlines taas oo Somaliland ka bilaabi doonta Duulimaadyo, isla markaana maalgelin ku samaynay adeegyada madaaradda Somaliland.