Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Maanta socdaal ugu baxay arunta dalka Ethiopia ee Addis Aababa oo ay ku sugan yihiin
Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland iyo xubno wasiiro ah oo usii gogol xaadhayay safarkiisa.
Madaxweyne Siillanyo waxa uu warbaahinta u sheegay in uu casuumad ka helay Raysal wasaaraha dalka Ethiopia, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay ujeedada safarkiisa, isagoo sidoo kalena ka hadlay arrimo kale oo ku waajahan Mandaqada iyo wadadhadalada u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo la filayo in ay maalmaha soo socda dib uga bilaabmaan dalka Turkiga.
Halkan ka dhegeyso Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimahaa Riix