Gduumiyaha Maxkamadda Ciidamadda Somaliland Gsare Yuusuf faaraxHargeysa(Araweelo News Network) Maxkamadda Ciidamadda Somaliland ayaa ka hadashay markii u horaysay sii deynta mid ah laba Nin oo ku eedyasnaa weerar lagu qaaday Xarunta

 

Wargeyska Hubaal 24 April  2013 kadib markii  laba nin oo Afka soo duubtay, isla markaana ku hubaysan Baastoolado iyo Tooriyo goor caweys habeenimo ah weerareen xarunta, kuwaas oo dhaawacyo u geystay Gudoomiyaha Hubaal Maxamed Jaamac caloolay, balse ay gacanta ku dhigeen hawlwadeenada wargeyska iyo dadkii goobta joogay mid ka mid ah Raggaa oo lagu wareejiyay ciidanka Booliska.

Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmaarke oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Somaliland oo saaka xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa cadeeyay in eedaysane Axmed Xasan Xaashi (Yaanyo) lagu sii daayay damiin kadib markii uu xidhnaa 188 caanamaal, wuxuuna xusay in sharciga ciidamaddu dhigayo in marka wax denbi ah lagu cadayn waayo Askariga marka mudo 6 bilood ah uu xabsiga ugu jiro rumaan uu xaq u leeyahay in lasii daayo, isla markaana iyagoo ka duulaya sharciga ciidamadda ay ogolaadeen in damiin lagu sii daayo eedaysnahaa.

Gudoomiyaha Maxamadda Ciidamadda Gaashaanle sare Yuusuf Faarax, wuxuu ku eedeeyay Masuuliyiinta Hubaal ee kiiska loo haystay Ninkaa ka aha dhibanaha in ay ka caga jiideen sidii kiiska loo dhaqaajin lahaa, isla markaana ay soo gudbin waayeen eedaha dacwada loo haysto Ninkaa, isagoo yidhi, “ Waxay diideen in ay saxeexaan Nuqulkii maxkamaddu u gudbisay,waxayna ku doodeen in aanay Maxkamadda hortegeyn ilaa la keeno Maxkamadda Ninka labaad ee ku jiray weerarkaa oo aan la hayn, waxa kaloo ay ku doodeen in kiiskaa Madaxtooyaddu ka danbaysay, waxaanu u sheegay in wixii ay hayaan eedaymo iyo dhaawac muujin usoo gudbiyaan xeer ilaalinta. Laakiin nasiibdaro waxay iska dhegamareen dhamaan nidaamkii sharciga, waxayna si cad u diideen in kiiskaa maxkamaddu gudagasho dacwadaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxakamadda Ciidamadda.

Sida uu dhigayo sharciga Ciidamada Maxkamadda ee derejada Koowaad haddii Eedaysane lagu waayo wax cadayn ah 180 caanamaal, waxa xaaraan ah in lagu sii hayo xabsiga sida uu dhigayo sharcigu, ilaa sadex jeer ayaan arrintaa anigu kala hadlay, waxaan u sheegnay wixii ay tabanayaan ee qarsoon, ama aan cidii kiiska baadhaysay kusoo darin  in ay qoraal noogu soo gudbiyaan si aanu baadhitaano dheeraad ah u samayno, way aqbaleen, balse halkii aanu ka sugaynay in ay noo keenaan qoraalkii aanu isku ogayn, waxay taa bedelkeeda noogu jawaabeen canbaarayn ay wargeyska kusoo qoraan, iyagoo leh maxamadda Ciidamadda yaa naga qabta.

Ma nihin Boqortooyo oo qofka inta la xidho uu xabsi iskaga jirayo, waxaynu nahay qaran nidaam iyo sharci leh, waxaana lagu sii daayay Ninkaa Damiin markii uu muda dhaafay ee waxba lagu cayan waayay ee kiiskiisa dhinacna loo jihayn waayay.” Ayuu yidhi Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax.


Halkan Ka Daawo Maxmakadda Oo Ka Hadlay Kiiskaa Riix

Info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *