Hargaysa(Araweelo News Network)Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Denmark.
Wafdigaa oo uu hogaaminayey Mr Henrik Jespersen oo ah Senior Technical Adviser oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Denmark iyo xubno kale oo ka mid ahaa waftigiisa Mss Lotte Mindedal oo la taliye ka ah safaaradda Denmark ee Nairobi (Coundellor – Development Somaliland and Somalia Team) iyo Soren Skou Rasmussen oo ah madaxa Hay’adda DANIDA ee Somaliland (Head of Office, Programme coordinator/DANIDA programme Office, Hargeisa).
Socdaalka wefdiga iyo ujeedada ay u yimaaden Somaliland ayaa lagu sheegay qiimeynta mashaariicda horumarineed ee dawladda Denmark maalgeliso ee ka socda Somaliland, waxaana la filayaa in mudada ay joogaan ay booqan doonaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland qaarkood.
Gudoomiyaha oo si diiran u soo dhaweeyey waxa uu si guud wafdiga ugaga warramay arrimaha horumarka, Amniga, Doorashooyinka iyo Diiwaagelinta, Gudoomiyuhu waxa uu xusay in shacbiga Somaliland uga mahadnaqayaan dawladda Denmark kaalinta ay kaga jirto mashaariicda horumarineed iyo taabagelinta dimquraadiyadda iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si ay doorashooyinku u qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah 2015.
Madaxa wafdigu waxa uu gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uga xog warramay baaxadda kaalmada dawladda Denmark siiso Somaliland iyo ka qayb qaadashada diiwaagelinta codbixiyeyaasha ee dhawaan la filaayo inay dalka ka qabsoonto.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com