degmada Togwajaale, Xaashi Muxumed Cabdi (Xaashi Qashin),oo ku guul dareystay inuu baahida bulshada iyo tabashadooda wax ka qabto,musuq maasuq iyo hantidii boobna faraha kula jira,gudaafada & qashinkuna meel walba buux dhaafiyeen ,lagana baqayo in xanuuno iyo cuduro ka dilaacaan degaanka.
Waxaanu ku war galineynaa Madaxweynaha Somaliland , inuu Maayarka Togwajaale Xaashi Muxumed Cabdi (Xaashi Qashin) ceeb iyo fadeexad kuu soo jiiday lacago xad dhaafana uu ka urursday dadka degaanka,waxna aanu ugu qaban , taasoo sabab u noqon karta inay bulshada iyo xisbiga KULMIYE kala xidhiidh furtaan , haddii aan baahidooda wax laga qaban.
Waxaa laga baqayaa in degmada Tog-wajaale xanuuno iyo cuduro ka dilaacaan,sabata oo ah qashinka iyo gudaafada oo meel walbba buux dhaafisay , Eyda iyo dadkuna meel biyaha ka wada cabbaan,laakiin aan Maayarka Togwajaale Xaashi Muxumed Cabdi (Xaashi Qashin),uu Hargeysa degan yahay,kana soo shaqo tago,dan iyo muraad toona aanu ka lahayn cabashadooda.
Madaxweyne haddii Wasiirka Arrimaha Gudaha,Cali Maxamed Warancade iyo Hanti dhawrka Qaranku waxba ka qaban waayaan qayla dhaanta dadka degaanka waxaanu kaga jawaabi doonnaa MUDAHARAAD gilgila degmada Wajaale , kaa soo kala xidhi doona isku socodka labada dal ee Somaliland iyo Ethipia.
Xasan Sheekh Nuur
Tog-wajaale,Somaliland
gabiley20@gmail.com