Wadaadka oo ay hore xukuumaddu marar kala duwan u xidhay, waxa xadhigiisa lala xidhiidhyay kadib markii uu meel fagaare ah kaga qudbadeeyay inuu taageersanyahay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Kooxda Al-shabaab ku qaadeen todbaadkii hore dhismaha Westagate ee Nairobi.
Sheekh Maxamuud waxa uu tallaabada kooxdaasi Al-shabaab ka mid ahayd qaaday ku tilmaamay mid geesinimo ah, isagoo dhinaca kalena shacabka Somaliland ugu baaqay inay qaataan shareecada Islaamka oo la isku xukumo.
Waxa kaloo uu wadaadkani si wayn u dhaliilay xeerka cashuur-kordhinta horumarinta waddooyinka ee dhawaan Golaha Wakiilladu ansixiyeen oo uu ku tilmaamay mid lagu bannaysanayo cunida hantida ummadda.
mana aha markii u horreysay la xidho, balse waqtiyo hore oo badan ayaa xabsiga loo taxaabay intii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada haysay iyo xilliyadii xukuumadda Madaxweyne Rayaale-ba, iyadoo mar walba marka uu muddo xidhnaado la soo dayn jiray.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com