Muqdisho(Araweelo News Networ) Qaraxyo ismiidaamin ah oo xooggan ayaa ka dhacay maanta barxadda iskaashatooyinka oo ka soo horjeedda dhismaha ex-fiyoore oo ku dhow Makhaayadda Village ee duleedka Madaxtooyadda Villa Somalia, halkaas oo hore qaraxyo
ismiidaamin ah ay uga dhaceen.
Kadib Markii Weerarka oo loo adeegsaday laba gaadhi oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana qaraxaa sheegatay Al-shabaab waxa ku dhintay Inta la ogyahay 15-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo dad rayid ah u badan.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaailya oo ka hadlay weerarkan ayaa ku tilmaamay mid naxariis darro ah oo lagu laayay dad aan waxba galabsan, isagoo sheegay inay qayb ka tahay qorshayaasha ujeeddo la’aanta ah ee shacabka lagu laynayo.
“Inta aan maqlay waxaa ku dhintay qaraxyadan 14-qof, waxaana dadkani ay intooda badan dhinteen iyagoo doonayay inay u gurmadaan dad waxyeello ay ku gaadhay qaraxii hore, waana arrin xanuun badan,” ayuu Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ka hadlaay shir lagagaa hadlayo xag-jirnimada oo ka furmay Muqdisho.
Weerarka ayaa kusoo beegmay xili uu soo baxayay khilaaf u dhexeeya hogaanka sare ee Al-shabaab, waxaana qaraxaa midkan la mid ah uu isla makhaaxidaa ka dhacay bilihii Sebtember iyo November ee sanadkii hore.
info@araweelonews.com