Boorama(Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa xoriyadoodii usoo celisay koox Odayaal ah oo mudo laba bilood ah u xidhnaa sababo nabadgelyodaro oo ka dhacay deegaanka Xariirad ee Seylac oo ka tirsan Salal, taas oo qayb ka ahayd rabshado ka dhashay

natiijadii doorashada golayaasha deegaanka eek al hore.

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale(Duur) ayaa kulamo uu la yeeshay waxgaradka iyo Odayaasha dhinacyada muranku ka dhexeeyay ee shaqaaqadu dhexmartay waqtigaa ayaa sheegay in maanta si rasmiya xabsiga uga sii daayeen duqaydaas oo tiradoodu dhamayd Toban Oday, oo ka mid ah waxgaradka degaanka xariirad ee uu ka soo jeedo ninka dhacdada Dilka ah ka gaystay degaankaa dhawr bilood ka hor.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Duur oo xalinta iyo soo afjarida arrintaa u jooga xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa  xarunta maamulka Gobolka Awdal ee Boorame kulan kula yeeshay Odayaasha kasoo baxay xabsiga, wuxuuna  sheegay in aanu xadhigoodu la xidhiidhin Dambi aygaleen,  balse uu ahaa mid ku yimi talaabooyinka xasilinta nabadgalyada iyo sidii xal looga gaadhi lahaa dhacdada dilka ahyad ee degaankaa ka dhacday. Wasiirku waxa uu tilmaamay in dedaalkii nabada iyo xilkasnimadii ay muujiyeen duqayda Dhibanuhu ka soo jeeday lagu gaadhay in xoriyadoodii loo soo celiyo xabsigana laga sii daayo, wuxuuna ku dardaaray inay ka shaqeeyaan nabada deegaanka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *