London(ANN)Daraasad ay sameeyeen Cilmi-baadhayaal ka tirsan Waaxda Degaanka iyo Caafimaadka Yurub (European Center for Environent and Human Health), ayaa daboolka ka qaaday in dadka ku nool dhulka xeebaha ay ka caafimaad badan yihiin kuwa iyagu ku dhaqan
degaannnada caadiga ah ee ka baxsan xeebaha.
Khubaradan oo cod urrurin ka qaaday dad badan oo ku nool xeebaha iyo kuwo degaannada bariga ku nool ayaa kadib markay falanqayn badan ku sameeyeen waxay soo saareen in ay dadkaasi cafimaad ahaan kala wanaagsan yihiin, iyagoo sidoo kale shaaciyey in dadka xeebaha ku nool badana yihiin dadka dhaqaale ahaan fiican.
Dr. Ben Wheeler oo cilmi-baadhistan hoggaaminaayey, ayaa isagu yidhi isaga oo arrinta ka hadlaya; “Waannu ognahay in dadku badana waqti fiican ku qataan meelaha xeebaha ah, laakiin inta badan lama socdo in dadku caafimaad ka helaan meelahaas.
Macluumaad aannu ka helnay dadka xeebaha degen iyo kuwa iyagu ku dhaqan deegannada caadiga ah ayaa ayey nooga soo baxday in dadka xeeb joogta ah ka caafimaad wanaagsan yihiin bulshada inteeda kale.” ayuu yidhi.
Cilmi-baadhis hore oo ay samaysay xarunta lagu magcaabo Devon ayaa lagu sheegay in degaanka xeebaha ah dadka farxadgeliyaan, hoosna uga dhigaan murugada, halka daraasadan cusubna tilmaantay in dadka xeeb joogta ah caafimaadkoodu u wanaagsanaaday, iyadoo aan wax cadho iyo isku buuq ah arag intay halkaas ku nool yihiin.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com