Hargeysa(ANN) Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka DALSAN Eng, Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa u magcaabay Afhayeenka heer qaran ee Ururka Mr. C/kariim C/llaahi Xaashi Cilmi . sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay shalay Xafiiska xarunta DALSAN ee Hargeysa.
Qoraalkaa oo gudoomiyuhu ku saxeexanyahay, waxa lagu faray inay dhamaan gudiyada gobolada ee Dalsan la shaqeeyaan Af-hayeenka loo magcaabay xilkaa wixii ka bilaabma taariikhda lasoo saaray qoraalkaa. Kaas oo gudoomiyuhu ku sheegay in kadib markii uuarkay kartidiisa, waaya aragnimada uu hawshaa u leeyahay, taageerada uu Ururka Dalsan u hayo iyo aqoontiisa, isla markaana xaqiiqsaday baahida loo qabo xilkaa, isagoo ka duulaya dastuurka Ururka Dalsan uu xilkaa u magcaabay C/kariim C/llaahi Xaashi Cilmi, laga bilaabo 7 July 2012, wuxuuna Ilaahay uga baryay inuu xilkaa u fududeeyo.
Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha ayaa ahaa sidan hoos ka muuqata.